DHEGEYSO: Qofkii diidmo laga siiyo dalka Sweden oo 10 sano sugaya (Hindise sharciyeed cusub)

0

(Stockholm) 05 Maajo 2020 – Qofka qaxootiga ah ee hela diidmada ugu danbeysa ee codsiga magan-galyo doon ayaan codsan karin mid cusub muddo toban sano ah ka hor, halka imminka loo baahan yahay inuu sugo afar sano oo keliya diidmada dabadeed.

Hindisahan ayaa ah mid uu guddiga arrimaha siyaasadda qaxootigu ka fekerayo sida ay warbixin ku heshay laanta wararka Ekot.

Xisbiyada Sweden ayaa siyaasaddooda u wada janjeeriyey dhanka xisbiyada midigta oo siyaasadooda ku dhisan arrimo la xiriira socdaalka iyo soo galooti nacaybka, si ay codad uga helaan shacabka oo shaki badan iyo cabsi laga geliyey qaxootiga iyo soo galootiga.

Halkan hoose ka dhegeyso….

Hadalsame Media