Qadar oo ugu dambayn gargaar caafimaad usoo diraysa dalka Somalia

0

(Dooxa) 04 Maajo 2020 – Amiirka dalka Qadar, Tamim bin Hamad Al Thani ayaa amar ku bixiyey in gargaar dawo ah lala gaaro dalka Somalia.

Sida ay faafisay Wakaaladda Wararka Qadar ee QNA, wuxuu amiirku amray in dalka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia loo diro gargaar caafimaad, si ay ugula tacaasho caabuq-sidaha caalamkii ruxaya ee coronavirus (Covid-19).

Lama sheegin xilliga ay shixnaddani kusoo beegan tahay Somalia, balse Qadar ayaa deeq badan gaarsiisey dalal badan oo caalamka ah, iyadoo ay durba baraha bulshada ka bilaabatay dood ku saabsan sababta ay Qadar u dhinac mareeyso Somalia, iyadoo caawimaad gaarsiisey dalal kale oo gobolka ah, balse waa soo jawaabtey iminka.

Qadar oo olog la ahayd DF Somalia, tan iyo markii ay Somalia iska diiddey inay ka qayb qaadato go’doomintii iyada loo gaystey, ayaa waxaa Somalia uga soo hormaray Imaaraadka, waloow la cilladeeyay gargaarka uu keenay oo lagu sheegay saabbuun kartoomo ku xiran.

DF Somalia ayaan arrintaa si rasmi ah u beenin ama u rumaynin.

Hadalsame Media