Covid-19 oo hal khaanad geliyey Maraykanka & Somalia (Mahadcelin ay direen)

0

(Washington, D.C) 04 Maajo 2020 – Maraykanka iyo Somalia ayaa ka mahad celiyey gargaar dawo ah oo ay ka heleen dalka Turkiga, si ay ugula tacaalaan COVID-19, taasoo qayb ka ah qorshaha iskaashi iyo hiillada aadminnimo ee Turkigu u gaysanayo dalalka ay xiriirka leeyihiin.

Maalin kaddib markii ay dayuuraddii siddey gargaarkii dawo ee Turkigu ay ka degtey Washington, D.C. Wasiir Dibadeedka dalkaasi Mike Pompeo ayaa Twitter ku muujiyey abaalka ay u hayaan Turkey.

“Abaal baannu u haynaa ologgeenna @NATO ee #Turkey. Taageerada ay siiyeen Maraykanka oo la dagaallamaya#COVID19,” ayuu soo qoray Pompeo.

Turkiga ayaa Jimcihii dayuuraddii 2-aad oo gargaar sidda ka dejiyey garoonka Joint Base Andrews ee ku yaalla dibedda Washington, D.C.

Dhanka kale, Wasiir Dibadeedka Somalia, Ahmed Awad, ayaa isna Turkey uga mahad celiyey kaalmada ka dhanka ah karoonaha.

“Waxaannu shixnad neef-siiyeyaal, agabka wax lagu baaro, dawooyin, maasgarayaal, dharka gaashaaman iyo agabyo kale ka guddooney #Turkey oo naga taageeraya dhanka la dagaallanka #COVID__19. Abaal baannu u haynaa dadka iyo dowladda #Turkey oo na garab istaagey xilli xasaradi taagan tahay,” ayuu Cawad soo dhigay Twitter Axaddii.

Turkey ayaa kaalmooyin gaarsiiyey ilaa 57 dal oo ay ku jiraan Shiinaha, Italy, Spain iyo U.K., wuxuuna sheegay inay kaalmo soo waydiisteen ilaa 100 dal, waana dalka 3-aad caalamka oo idil ee xilligan karoonaha kaalmo aadminnimo caalamka gaarsiiyey.

Hadalsame Media