Kenya oo ka walaacsan Soomaalida Kenya oo habeenkii u ”dhuunta” Somalia (Adeeg la yaab leh)

0

(Nairobi) 04 Abriil 2020 – Min Saudi Arabia, UK, Falastiin iyo meelo kale oo ay Kenya ka mid tahay, waxaa si aan caadi ahayn u aamusan masaajiyadda, oo gaar ahaan muhim ah xilliyada Ramadaanka.

Balse waxaa loo xirey caabuq-sidaha faafaya ee coronavirus dartii, hase ahaatee Somalia oo ah dalka 2-aad ee ugu kiisaska badan Bariga Afrika, lagana diiwaan geliyey in ka badan 671 kiis oo Covid-19 iyo 31 geeri ah, inta la og yahay, masaajiddu waa iska furan yihiin.

Warqaadka The Nation ayaa sheegay inuu ogaadey in Soomaalida Mandheera ay habeenkii u dhuuntaan dhanka Beled Xaawo si ay Taraawiixda halkaa ugu soo dukadaan.

Wuxuu intaa raaciyey in iminka ay xitaa Dowladda Kenya il gaar ah ku hayso Degmooyinka Wajeer iyo Gaarisa, iyadoo ka walaacsan in gaar ahaan meelaha ”xuduudda” u dhow ay habeenkii iyaguna uga tillaabaan dhanka Somalia.

Wajeer ayaa horay usoo bandhigtay laba kiis oo Covid-19 ah, kuwaasoo ay Somalia ka keeneen laba nin oo ganacsato reer Gaarisa ah oo Somalia xoolo u iib geeyey, kuwaasoo soo noqodkoodii lagu qabtay Diff, oo ”xadka” ku taalla.

Hadalsame Media