Qadar oo Somalia u muujisay inaysan ahayn saaxiib kal iyo laab ah (Arag waxa ay samaysay ilaa haatan)

0

(Hadalsame) 04 Abriil 2020 – Somalia ayaa ka mid ahayd dalalkii asxaanka u galay Qadar farsamo ahaan iyo siyaasad ahaan, farsamo ahaan, maxaa yeelay dayuuradda Qadar waxay iminka dul martaa Somalia oo haddii laga xiro ay wareeg dheeraad ah geleeyso maadaama aysan dul mari karin Masar, Sucuudiga iyo Imaaraadka, iyo siyaasadeed, waayo Somalia ma go’doomin Qadar.

Yeelkeede, Qadar ayaa ilaa iminka ku xarragoonaysa kaalmada karoonaha, iyada oo si deggan oo shaafeertan ku jiro u xulanaysa cidda ay wax siinayso iyadoo eeganaysa dano dhaqaale iyo kuwa iska faan ah, waxaana dalal badan oo ay kaalmo gaarsiiyey ugu dambeysey Rwanda.

Sabab Rwanda? Maxaa yeelay Qadar waxay 60% ku leedahay garoonka cusub ee Rwanda ee ay ku baxday $1.3 bilyan ee Bugesera International Airport. Qadar Airways ayaa sidoo kale saami gaaraya 49% ka iibsatey qaran sidaha Rwandair.

Beri dhowayd waxay Qadar dalka Talyaaniga ugu deeqday laba isbitaal oo qalabaysan oo uu midkood ku fadhiyo 5,200 mitir oo jibbaaran, midna ku fadhiyo 4,000 mitir oo jibbaaran, mid kastana wuxuu qaadaa 1,000 sariirood.

Ogoow waa Talyaani oo ka mid ah dalalka caalamka ugu horreeya dhanka kaabayaasha caafimaadka iyo raasumaalka dadka.

Si kastaba, Somalia kuma khasaarin tillaabadaas oo Qadar waxay Somalia ka hirgelisey dhowr mashruuc oo mid noqday kii ugu qaalisanaa kaddib burburkii uu haatan socdo mid kale oo qaali ahna ballan qaadday sida Dekedda Hobyo, balse Qadar ma aha saaxiib kal iyo laab ah sida dalalka kale ee Khaliijkaba, balse waa saaxiib jawi (fair weather friend), ee halla maalo inta ay xig leedahay.

FG: Ilaa haatan meesha kama saarayno inay Qadar Somalia wax gaarsiiso, iyo inaan nafteennu isku eedayn karno inaan hoos u dhignay sumcadeennii caalamiga ahayd, balse waxaan eegaynaa farqiga u dhexeeya Turki oo dayuuraddii 3-aad soo diray iyo xitaa Imaaraad oo ugu yaraan saabbuun lasoo orday. Qadar weli waa JALA!.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media