SAWIRRO: Turkiga oo agab caafimaad oo aanu horay u keenin mudadii karoonaha Muqdisho u duuliyey (Maxaa ka mid ah?)

0

(Ankara) 04 Maajo 2020 – Turkey ayaa shixnad ka kooban agab caafimaad muhim ah oo aanu keenin tan iyo bilowgii karoonaha haatan u duuliyey Muqdisho oo iminka ah halka ugu daran dalka dhanka covid-19.

Dayuurad ciidan oo xamuul ah nooca A-400M oo sidda waxyaabo ay ka mid yihiin bareellayaal, sariiro, bustayaal iyo agabyo kale oo asaasi ah ayaa ka duushay gegada ciidanka cirka ee Etimesgut ee Ankara.

Turkiga ayaa Sabtigii dorraad ahayd Muqdisho ka dejiyey waxyaabo ay ku jireen neef-siiye uu isagu farsameeyey, taasoo ahayd markii ugu horreeysey oo uu dibedda u diro.

Waxaa agabkan caafimaad oo lagu dhejiyey calamada Somalia iyo Turkiga lagu qoray halku dhegga mufti suufi ahaa oo noolaa qarnigii 13-aad, Mevlana Rumi: “Waxaa jirta rejo quusta kaddib, iyo qorrax badan Mugdiga kaddib.”

Hadalsame Media