Maxaadan ogayn oo ay Nairobi og tahay? (Arag qorshaha u degsan siyaasiyiin badan?)

0

(Nairobi) 04 Abriil 2020 – Siyaasiga Faarax Macallin, oo ka mid ah madaxda Kenya, ayaa sharraxaad cashar oo kale ah ka bixiyey sida ay siyaasiyiinta Soomaalidu u jaliyeen jiilka soo baxaya ee dalka Somalia oo ay dadkiisu isku nooc yihiin dhan kasta.

”Habka birima tiibada ah ee ay madaxda Afrikaanku ku xoolaystaan wuxuu macluuliyaa shacabka wuxuuna carruurta u gaystaa xasuuq ba’an,” ayuu ku bilaabay.

”Dadka halka qoowmiyad ah ee iskugu leh Afrika ee Somalia wuxuu hooy u yahay hoggaamiye kooxeedyada ugu naxariista daran, waxay naxariis darro u laayaan dadka qabiilkooda,” ayuu raaciyey.

”Waxay deeto isku jeediyaan shacabkii faqriga ahaa kuwaasoo is laaya, xilli ay iyagu dalkii maalayaan iyaga oo aan waxba hambaynin, degaankiina burburinaya,”

”Deeto waxay ku hoos dhuuntaan calanka qabiilka ama reerka, waxayna ku hanjabaan inay dalka dab ku qabanayaan markii xisaabtan loola yimaado. Kuwaaga ayaa kugu ah cadowga ugu xun AFRIKA.” ayuu sharraxaadda kusoo afjaray Faarax Macallin.

Kaddib markii uu caalamku dersey hab-dhaqankan liita ee danaysiga iyo han-yarida ah ee uu siyaasiga Soomaaliyeed inta badan ku socdo, waxay dalal badani kaga faa’iidaystaan burburinta dalkiisa, isagoo dalalkaa ugu kacaya san-dareerto aan sii ridnayn oo uu berri si xun oo xil leh kaga tegayo, isagoo adduun iyo aakhiraba seeggan.

Hadalsame Media