Maamul-goboleedyada Maraykanka oo bilaabay inay dawooyinka Covid-19 ka qarsadaan DF Maraykanka (Maxaa dhacay?)

0
Vice President Mike Pence speaks as he leads a video teleconference with governors about the coronavirus, during a trip to FEMA on March 23. the Federal Emergency Management Agency is keeping a tight grip on critical medical supplies leaving the country – and coming in from overseas. This has frustrated states who are in need of masks, gowns, ventilators and other medical supplies.

(Colorado) 04 Maajo 2020 – Maamul-goboleedka Maraykanka ah ee Colorado ayaa dhowaantan dalka South Korea kasoo iibsadey shixnad dawo ah oo lagula tacaalayo COVID-19, balse “way qarsadeen” iyagoo ka walaacsan inay ka dhacdo DF Maraykanka, sida uu sheegay Barasaabka Colorado, Jared Polis oo dadwaynaha kala hadlay Idaacadda Dadwaynaha Colorado.

Polis ayaa u sheegay CPR inuu aamusay maxaa yeelay “waxaan ka welwelcsan nahay in DF ama cid kale ay naga qaadato.” Waxay kusoo lacag loo biiriyey arrimaha deg degga ah.

Wakaaladda Maaraynta Arrimaha Deg Dega ah ee (FEMA) oo heer federaal ah ayuu gaar ahaan farta ku godey Polis.

“FEMA had iyo goor iyada ayaa safka hore ku orodda oo agabka la wareegta, waa wixii nagu dhacay markii aannu dalbannay neef-siiyeyaasha.” ayuu yiri Polis.

Maamul-goboleedyo kale oo Maraykanka ah ayaa FEMA ku eedeeyey inay la wareegtey saanad iyaga u socotey, taasoo ay beenisey.

Hadalsame Media