Dal Afrikaan oo sheegay inuu soo saaray dawada Covid-19 & dalal durba ka dalbaday

0

(Daarusalaam) 04 Maajo 2020 – MW Tanzanian ee John Magufuli ayaa sheegay inuu dayuurad u dirsanayo dalka Madagascar si uu uga soo iibsado ”dawo la sheegay inay u roon tahay Covid-19.”

“Waxaan u sheegay Madagascar inaan dayuurad soo diri doono si ay Tanzanian-ku uga faa’iidaystaan,” ayuu MW ku sheegay khudbad uu shacabka u jeediyey.

Dawadan ayaa waxaa laga sameeyaa geedaha loo yaqaanno artemisia plants, kuwaasoo ah isha dawada lagula tacaalo mallaariyada ee Chloroquine.

Yeelkeede, Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay inaysan jirin wax caddayn ah oo muujinaya inay dawo u tahay Covid-19.

Tanzania waxaa ka jira 480 kiis oo karoona ah.

Hadalsame Media