Xogo dheeraad ah oo kasoo baxaya cidda soo riddey dayuuraddii maanta Berdaale ku burburtay

0

(Berdaale) 04 Maajo 2020 – Warar cusub oo hor leh ayaa kasoo baxaya dayuurad gelinkii dambe ee maanta ku dhacday Degmada Berdaale ee Gobolka Bay.

Dayuuraddan oo ahayd nooca Afarican Express ayaa waxaa ku dhintay 6 qof oo saarnayd, kuwaasoo kala ahaa: Kabtan Xasan Musse Bulxan, Kabtan Mubruuk, Captan Cumar, Inj.  Kenyaan ah, masuulkii xamuulka saarnaa diyaaradda Cali Madax-Gaduud iyo wakiilkii Shirkadda Saciid Cabdullaahi Maxamed.

Wararka ayaa sheegaya in dayuuradda lala gelay gantaal dhulka laga soo ganay, xilli ay 670 mitir dhulka u jirtey.

Xogaha lagaga helayo halkaas ayaa sheegaya in dhicitaanka dayuuraddu aanu shil ahayn, balse uu qabsaday gantaal ama lidka dayuuradaha oo ay dhulka kasoo rideen Ciidamada Itoobiya oo deggan meel garoonka u muuqata.

Nin ka mid ah milkiilayaasha Shirkadda African Express oo ah Xildhibaan Cabdiraxman Aadan Ibbi ayaa ku doodaya in sawirro dhanka Saterlite-ka ihi ay muujinayaan in dayuuradda la toogtey markii ay duushay, iyadoo weliba aad weli ugu dhow garoonka Berdaale.

Diyaaraddan oo ka duushay magaalada Muqdisho, ayaa kusii hakatay Baydhaba, kahor inta aanay u duulin  magaalada Berdaale ee Gobolka Bay oo uu shilku ku qabsaday.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku sugnaa degaanka Bardaale, ilaa haatanna wax war ah kama soo bixin ciidanka Itoobiya iyo kuwa AMISOM.

Wasiirka Gaadiidka ee Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in laba ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen Soomaali. Weli lama shaacin dhalashada dadka kale.

Hadalsame Media