DILLAAC DABIIB LA’: Khilaafka Kenyatta & Ruto oo sii laxaadsadey (Ruto laga jirid gooyey Jubilee & warkii Ducaale oo…)

0

(Nairobi) 03 Abriil 2020 – MW Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inuu gacanta midig ku dhigay Xisbiga Jubilee Party kaddib markii uu bannaanka dhigay saraakiisha isbahaysiga la ahaa MWX William Ruto oo uu ku bedeley rag isaga u daacad ah, tiiyoo uu arrintaa diidayey Ruto.

Dr Ruto iyo saaxiibbadii ayaa labadii todobaad ee tegey waxay bilaabeen olole ay isbedelkan kaga hortegayeen, balse looma joojin, taasoo iminka fureeysa furun dagaal oo cusub oo ka samaysantay xisbiga dildillaacu ku socdo ee xukunka haya.

Sida uu fahamsan yahay, the Saturday Nation, Dr Ruto iyo saaxiibbadii ayaa qorsheeynaya inay arrintan maxkamad la tiigsadaan todobaadka soo aaddan.

Dadka cusub ee uu wato Kenyatta ayaa kala ah; Ms Lucy Nyaguthii Macharia, Prof Marete Marangu, former Kitutu Masaba MP Walter Nyambati, Ms Jane Nampaso iyo Mr James Waweru.

Tillaabadan ayaan kaliya ku ekayn xubno xibsi laga tuuray, balse waxay xoojinaysaa wararkii sheegayey in Kenyatta uu la xirtey Raila Odinga, oo ay yar tahaya rajada Ruto ee State House-ka Kenya kaddib doorashada 2022, waxay kaloo beeninaysaa war uu maalin dhowayd sheegay Ducaale oo ahaa in ”jar loo degey Raila oo ay hoos iska og yihiin Kenyatta iyo Ruto.

Hadalsame Media