”Haddii aad dimoqraadiyad doonaysaan gobolkiinna ka bilaaba!” – Dagaal bisadeed ka dhex curtay RW Abiy Ahmed & Tigreegii xukunka laga tuuray!

0

(Addis Ababa) 03 Abriil 2020 – Caabuq-sidaha Coronavirus ayaa baajiyey doorashadii Ethiopia ka dhici lahayd bisha Agoosto, bale waxaa taagan muran siyaasadeed oo xooggan oo u dhexeeya cududaha isbeddel doonka ah iyo nidaamkii hore ee Tigreega diktaytarka ahaa.

RW Abiy Ahmed ayaa Khamiistii kulan la qaatay qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka sida TPLF iyo OLF.

Addis Alem Balema (Ph.D.), MW Xigeenkii hore ee maamulka Tigray ayaa kulanka ku metelayey TPLF, jeer ay inta badan Tigreegu isku dhuumanayaan magaalada Mekelle, Tigray kaddib markii xukunka laga tuuray, iyagoo ka cabsanaya in la xiro haddii ay Addis Ababa yimaadaan.

“Waxaannu kulankan uga soo qayb galnay xushmadda aannu u hayno Dastuurka dalka,” ayuu yiri Addis Alem Balema.

“Adigu xushmad kuuma hayno Abiy!.” ayuu yiri Jeneraal ka tirsan TPLF todobaadkii hore isagoo raaciyey, “Waan ku qosli jirney  Abiy Ahmed markii uu noo sheegay inuu doonayo inuu RW noqdo.”

Saasoo ay tahay wuxuu TPLF siiyey fursad ay ku wada hadlaan, haddii ay arkaan wax ay DF khaladay, balse wuxuu u raaciyey digniin. 

“Dimoqraadiyadda uga dhaqma gobolkiinna. Dadka kuma cabburin kartaan Tigray, kaddibna ma dalban kartaan doorasho xor ah ama furan oo ay qabato DF,” ayuu ku yiri kaddib markii la sheegay in maamul-goboleedka Tigray uu cabburinayo dadka siyaasadda uga horjeeda, isagoo sheegay inay xitaa jiraan dad faraqa ku xirtey awoodo shisheeye.

Mesfin Aman oo ah falanqeeye siyaasadeed wax ka bartay Addis Ababa University ayaa ku yiri Borkena: “RW Abiy wuxuu isku deyayaa inuu la macaamilo axsaabta mucaaradka ah, balse TPLF waxay doonayaan inay fursad kasta u isticmaalaan sidii ay xukunka ugu soo noqon lahaayeen,“

“Haddii ay taasi ku adkaato, waxaa u qorshaysan inay dalka qasaan,” ayuu raaciyey Aman.

Hadalsame Media