Mezut Ozil oo afur gaarsiiyey qoysas masaakiin ah oo Muqdisho ku sugan

0

(London) 03 Maajo 2020 – Laacibka khadka dhexe ee Arsenal Mezut Ozil, 31-jir, ayaa 713,000 oo lira (£81,333 gini) ku wareejiyey Bisha Cas ee Turkiga si ay ugu afuriyaan 16,000 oo qof oo ku kala sugan Turkiga iyo dalal kale.

War lasoo dhigay bogga rasmiga ah ee hay’addan ayaa lagu sheegay in ay hadda cuntooyin u qaybinayaan  2,000 oo qoys oo ku kala sugan Turkey iyo Syria, qaar kalena loo dirayo magaalada Muqdisho.

Ozil, oo ilaa £2milyan oo gini sadaqaystay sanadkii tegey oo qura, ayaa sidoo kale Bisha Cas ee Turkiga kala shaqeeyey markii uu guursanayey isagoo cunto u qaybiyey 16,000 oo qof oo baahan.

Hadalsame Media