Somalia oo badeeco qaali ah u dirtay Turkiga & Imaaraadka (Dhaliil & amaan loo jeediyey)

0

(Muqdisho) 30 Abriil 2020 – Dalka Maraykanka ayaa Somalia ku amaanay inay awood u yeelatay inay dunida u iib gayso sisin ay tayadeedu sarreeyso, xilli ay dunidu la tacaalayso caabuq-sidaha Covid-19.

Safaaradda Maraykanka ee Somalia ayaa la yaab kusoo dhoweeysey inay Somalia weli badeeco muhim ah u direeyso suuqyada caalamka.

”Iyadoo taageero ka heleeysa hay’adda Gargaarka Caalamiga ah ee Maraykanka ee USAID oo taageerta Mashruuca MGCS waxay Somalia dhoofinaysaa shixnad ka kooban sisin tayo sare leh oo loo dirayo dalalka  Turkey, Bariga Dhexe iyo qaar kale.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Safaaradda.

Yeelkeede, dad ayaa tillaabadan dhaliilay, iyadoo Somalia ayaa loosoo jeediyey in ay yareeyso dhoofinta badeecooyinka noocan ah oo ay baahideedu aad uga jirto gudaha, ugu yaraan inta laga baxayo caabuq-sidaha karoonaha.

Hadalsame Media