Madaxwaynihii hore ee Suudaan oo karoona looga cabsanayo (Dad codsaday in xabsiga laga soo daayo & muran taagan)

0

(Kharduum) 30 Abriil 2020 – Taageerayaasha MW la qallibey ee Cumar Xasan Al Bashiir ayaa ku baaqaya in lasii daayo kali taliyahaas, kaddib markii la sheegay inuu karoona ku dhuftay  xabsiga uu ku xiran yahay.

Arbacadii shalaytoole ayay qoysas daraasiin ah oo ay ehelo uga jirto halkaasi waxay ku dibed bexeen bannaanka Madaxtooyada Khartoum, iyagoo ku baaqayey in lasii daayo ilaa 23 sarkaal oo lagu hayo xabsiga Kober.

Taageerayaasha Bashiir iyo maxaabiista kale ayaa muran ka dhaliyey Suudaan, iyadoo ay dadka kasoo horjeeda ku doodayaan inay dadkani dembi wayn galeen oo aysan mudnayn in lasii daayo ilaa laga maxkamadeeyo, balse waxay qireen inay dawo xaq u leeyihiin.

Waxaa la sheegay in qoyska Ahmed Haroun, oo kaaliye u ahaa Bashiir isla markaana ahaa guddoonkii xisbigii hore ee xilka hayey uu karoona kula dhacay xabsiga.

Wasaaradda Caafimaadka Suudaan ayaan arrinta ka hadlin, iyadoo ay qarreennada maxaabiistani codsanayaan in xabsi guri loogu bedelo xabsiga caadiga ah.

Suudaan ayaa waxaa ka jira 318 kiis oo coronavirus ah, iyadoo ay dhinteen 25 qof halka ay soo kabteen 32 qof.

Hadalsame Media