Turkiga oo eed culus u jeediyey Imaaraadka u jeediyey (Imaaraadka oo isku difaacay beentii ugu waynayd)

0

(Ankara) 01 Maajo 2020 – Hab-dhaqanka cadaawadeed ee uu Imaaraadku ku wajahayo Turkiga waa isku day la doonayo in lagu qariyo siyaasad munaafaqadeed, sida ay qabto Wasiir Dibadeedka Turkiga oo Imaaraadka ugu baaqday inuu joojiyo he hostile attitude of the United Arab Emirates (UAE) ajendaha “burburineed” ee ay ku shidayaan dagaallada sokeeye.

War soo maray afhayeenka Wasaaradda, Hami Aksoy, Ankara ayaa Imaaraadka ugu baaqday inay joojiso xoogga ay wax uga raadinayso Libya iyo taageerada Al Shabaabka Somalia.

Turkey ayaa sheegay inuu ixtiraamo midnimada geyi ee Imaaraadka, balse uu Imaaraadku aqoonsado “waxa uu yahay” isla markaana uu joojiyo hab-dhaqanka lidka ku ah Turkey.

Wasaarad Dibadeedka Imaaraadka oo warkan ka jawaabtey ayaa “qayb ahaan diiddey warka Turkiga ee faragelinta ku eedeeynaya” iyadoo sheegtay inay taageerto dowladda GNA ee Tripoli, waloow la wada ogyahay in ay taageeraan ciidamada LNA ee Khalifa Haftar.

Turkey ayaa sidoo kale Imaaraadka ku eedeeyey inay kala gooynayaan dalka Yaman, kaddib markii uu gole uu Imaaraadku taageero (STC), uu koonfurta Yaman uga dhawaaqay inuusan waxba ku darsanayn dowladda dhexe ee uu Sucuudigu taageero.

Imaaraadka ayaa sidoo kale Somalia ka wada siyaasad kharbudaad ah, isagoo maalgeliya mooshinno lagu rido dowladda dhexe, waloow uu ku fashilmay isku daygiisii ugu dambeeyey, isla markaana wuxuu la shaqeeyaa maamullo ama sheegta inay goosteen ama aan saaxi ula shaqayn DF, taasoo aanay wax dan qaran ihi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed halisna ku ah amaanka qaranka, marka laga reebo dhowr siyaasi oo tooda ula safan Imaaraadka.

Hadalsame Media

Facebook Comments