Maraykanka oo soo jeediyey qorshe ballaaran oo uu ka damacsan yahay dhismaha ciidamada Somalia (Gobollo uu sheegay inay ku yar yihiin)

0

(Muqdisho) 30 Abriil 2020 – Maraykanka ayaa sanadkii dambe aad u kordhiyey duqaymaha qorshaysan ee ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, isagoo sidoo kale sameeyey Komaandoos la yiraahdo Danab oo uu sheegay inuu gaarsiin doono ugu yaraan 5,000 oo askari, kuwaasoo iminka ka qayb qaata weerarrada qorshaysan.

Danjiraha Maraykanka u fadhiya Somalia, Danald Yamamoto, ayaa waraysi uu siiyey CTC oo argagixisada la dagaallanta kala hadlay sababta uu Maraykanku markale u danaynayo Somalia.

Yamamoto: Somalia halka ugu dambaysa ayay ka joogtey gargaarka aannu siinno dibedda kaddib markii uu Maraykanku Somalia ka baxay 1991-kii. Maxay hadda u noqotay dalka 5-aad ee aannu siinno gargaarka ugu badan? Maxaa yeelay Maraykanku wuxuu ka shaqaynayaa sidii ay Somalia u heli lahayd xasillooni ballaaran, maxaa yeelay halis baa ka imanaysa haddii aynaan sidaa yeelin.

[Gaar ahaan] Safaaradeheenna ugu waawayn gobolka — ee Addis [Ababa], Ethiopia, iyo Nairobi, Kenya — oo ah kuwa ugu ballaaran Afrika, nooguna muhiimsan, waxay halis ka wajahayaan Somalia-da aan xasilloonayn, sidaa darteed waxaan eegaynaa qaab aannu u xasilin karno Somalia.

Waxaan marka bedelney qaabkii aannu u wajahayney, waxaan u tagnay MW [Somalia] waxaana ku niri, “ma doonayno inaan askar Maraykan soo dirno habeen kasta. Waxaan doonaynaa ciidamo Soomaaliyeed.” Waana taas sababta aannu u bilownay howlgal wadajir ah midkii abid ugu horreeyey oo aannu la sameeynayno ciidamada uu Maraykanku tababaray ee Danab oo ah unugyo xirfadleey ah. QM, UK, Midowga Yurub, Turkiga, Qadar iyo Imaaraadka ayaa iyaguna ciidamo tababaray oo shaqo fiican qabtay.

Yeelkeede, digniintaydu waxay tahay in ciidamada Somalia la isku dhafo oo la midabeeyo oo laga guurayo ciidamada inta badan kasoo jeeda woqooyiga, iyadoo lagu soo darayo ciidamo badan oo kasoo jeeda gobollada koonfurta, maadaama ay Shabaabku halkaa joogaan.

FG: Warka woqooyiga uu Danjiruhu ka hadlayaa ma aha midka siyaasadeed ee dalku kala yahay woqooyi (Somaliland) iyo koonfur ee wuxuu ula jeedaa midda bulsho.

Hadalsame Media