DF Somalia oo marin habaabin ku wadda kadeedka Covid-19 (Kas & kama’ kee ayay ka tahay?)

0

(Muqdisho) 30 Abriil 2020 – Marin habaabin oo dhami ma aha ula kac. Macluumaad marka la shaacinayo, waa in la qiro haddii ay ka dhimman tahay qeyb aan la ogeyn lana ogaan karin.

Isbitaallada dadka yaalla iyo kuwa taga oo dhan waa dad xanuun ama dhaawac qaba ama tuhunsan in ay qabaan.

Laakiin dadka xanuunsan iyo kuwa dhaawaca ah oo dhami Isbitaal ma tagaan.

Waa qaar sidaa door biday iyo qaar aan duruufuhu u saamixin.

Sidoo kale, geeri oo dhami isbitaal kama dhacdo. Dalkeennana Meyd lama geeyo Isbitaal geerida ka dib.

Qof guri ku geeriyooday, ma jirto cid diiwaan gelisa iyo cid hubisa waxa uu u dhintay midna.

Dhaqanka dadkeenna iyo Xaaladda dalkeennu uu maanta ku sugan yahay marka la eego, macluumaadka rasmiga ah ee la faafiyaa ma yahay mid ka warqaba xawaaraha dhabta ah ee faafidda coronavirus iyo tirada dhimashada Covid-19?

Sow ma gudboona in sawir guud laga bixiyo xaaladda, lana fasiro waxa ay tirada rasmiga ahi ka tarjumeyso?

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media

Facebook Comments