Ingiriiska oo muujiyey inuu siyaasad isaga u gaar ah ku wajahayo Somalia

0

(Muqdisho) 30 Abriil 2020 – Danjiraha dalka UK u fadhiya Somalia, Ben Fender, ayaa muujiyey in dalkaasi aanu ka mid ahayn dalalka ku qanacsan doorashadii Jubbaland oo uu ku tilmaamay ”mid aad u cilladaysnayd.”

”Faallooyin badan baa laga bixiyey! Balse sidaan u arko: Soomaalidu, sida dadka kale, iyadaa xaq u leh inay si xor ah oo xalaal ah ku qabsato doorasho sharciga waafaqsan.” ayuu Twitter-ka kusoo qoray.

Danjiraha oo muujinaya inuu arrinta si wanaagsan uga war hayo oo aanay xogi ku seegganayn ama uusan la mid ahayn dad bahasha ula socda si dul ka xaadis ah ayaa daba dhigay.

”Geeddi socodkii bishii Agoosto aad bay u cilladaysnayd. Way se wanaagsan tahay inay dad horay isu diidanaa heshiiyaan, balse waxaa loo baahan yahay siyaasad si dhab ah loogu dhan tahay – maxalli ahaan iyo heer qaranba – taasoo wax badan u baahan.” ayuu raaciyey isagoo muujinaya in UK ay tahay budo gaar u tuman.

Dhanka ay madaxda gobollada qaarkood u jihaynayaan siyaasadda maamul-goboleedyada sida Jubbaland oo ah maamul ay gadaal ka taagan tahay Kenya ayay dad badani qabaan inaysan dhib mooyee dheef kusoo kordhin doonin geeddi socodka siyaasadeed ee loogu jiro dib u dhiska dowladnimada Somalia.

Hadalsame Media