Kenya oo si ay Somalia u ”ciqaabto” ku xad-gudbaysa qodob u degsan IGAD (Olole hanti burburin ah oo ay bilowday)

0

Kenya ayaa xannibaad dhan cuntada badda ah oo aan ujeedkeeda la fahmin Somalia kusoo rogtey, gaar ahaan dhanka Badwaynta Hindiya, iyadoo la xirayo qof kasta oo lagu qabto hantidiisana lala wareegayo oo la gubayo.

Taliyaha Booliiska degmada kalluumaysatada ah ee Lamu County ee Kenya ayaa bartamihii bishan burburiyey kalluun qallalan oo 12 mitrik tan ah oo ka yimid Muqdisho iyo Kismaayo isagoo sheegaya in ay iska indha tireen xayiraad la saaray ganacsiga xadka labada dal bishii Juun 2019.

Kenya, oo Somalia u dhoofisa badeeco 2.2% ka ah dhamaanba waxyaabaha ay caalamka u iib gayso ayaa xayiraaddan bilowgii ugu marmarsootay inuu nuglaynayo tahriibka dadka, koontarobaanka iyo xitaa argagixisada.

Yeelkeede, Kenya iyo Somalia ayaa xubno ka wada ah ururka IGAD oo diyaariyey hab-howleed waajib ka dhigaya inay dalalku dabaqaan istaraatijiyado sahlaya wax is dhaafsiga iyo dhiiri gelinta ganacsiga kalluumaysiga.

Qorshahan oo ay IGAD dejisey soconayeyna 2016-2020 ayaa looga gol leeyahay in dalalka xubnaha ka ah “ay ka faa’iidaystaan iibka kalluumaysiga si loogula dagaallamo macluusha iyo amaan xumida cunto ee jirta.”

Balse xayiraadda Kenya ee kalluunka Somalia ayaa ku tumanaya fulinta qodobka 1-aad ee IGAD uga yaalla “horumarinta beeraha, maareeynta khayraadka iyo degaanka.”

Hadalsame Media