Xukuumadda Sweden oo taageero lagu mitaaley midda ”North Korea” ka heshay dhamaan taageerayaasha xisbi kasta oo Sweden ka dhisan (Arag boqolleeyda)

0

(Stockholm) 30 Abriil 2020 – Saxaafadda Sweden ayaa soo bandhigtay sahan laga sameeyey sida ay dadka kala taageersan axsaabta siyaasadeed ee dalka Sweden u arkaan istaraatijiyadda ay xukuumaddu ku wajahayso la dagaallanka caabuq-sidaha karoonaha.

Sahankan oo uu soo bandhigay hilinka TV 4 oo ka mid ah hilinnada maxalliga ah ee Sweden ayaa muujinaya taageeradii ugu badnayd ee ay abid taageerayaasha axsaabta kala duwan ka hesho xukuumad ka dhisan Sweden.

Sahankan oo uu TV-ga kusoo bandhigay Marcus Oscarsson oo ah xeel dheere siyaasadeed ayaa waxay muujinaysaa in guud ahaan 80% ay dadka Swedish-ku u arkaan inay xukuumaddu si wanaagsan ama aad u wanaagsan howsha u waddo, halka 16% ay u arkaan inay barriiqatay, 4% ayaan wax go’aan ah gaarin ama shakisan.

Waxaa kasii daran marka gaar gaar loo kala qaado xisbiyada oo ay ku jiraan kuwa mucaaradka ah ee aad u dhaliilsan xukuumadda sida kuwa midig dhexe sida KD 76%, Moderaterna 74% iyo xisbiga cunsuriga ah ee SD oo ah xidsi u liicsan dhanka midigta fog.

Marka la eego xisbiyada kale oo qaarkood codadkooda lagu misaaley kuwa ka dhaca dalalka kali taliska ah sida Woqooyiga Kuuriga, waxaa ugu sarreeya Xisbiga xilka haya ee Social-ka oo 99%, midka Center-ka 96%, midka midigta fog ee Vänster 90%, xisbiga cagaaran ee Miljö 87% iyo Liberaalka oo ah 87%.

Yeelkeede, Xisbiga xukuumadda ugu neceb oo ah SD laftiisa ayaa waloow ay taageerayaashiisu woxoogaa kuwa kale kaga bakhiilsanaayeen sahankan misna weli tiradu waa togan oo waa 53% u aragta inay xukuumaddu shaqo fiican qabatay ilaa iminka, waana wax aan abid horay u dhicin.

Sweden oo aan wax handaraab ah soo rogin ayaa ilaa haatan meel macquul ah ka taagan kiisaska Covid-19 oo ay kaga dhinteen 2,462 iyadoo ay kiisasku marayaan 20,302, waxaana xaaladdu deggan tahay gobollada marka laga reebo caasimadda oo haatan soo kabanaysa.

Waxay tani muujinaysaa inay markale xoogaysanayso siyaasadda bidixda ah, maadaama ay jabeen dalalkii raacayey hannaanada raasumaaliga idman sida Maraykanka.

Hadalsame Media