”Waa nin madoow oo caddaan is mood ah!” – MW Ahuru Kenyatta oo sameeyay arrin ay aad uga xumaadeen shacabka Kenya!

0

(Nairobi) 27 Abriil 2020 – MW Kenya ee Ahuru Kenyatta ayaa duufaan caro ah kala kulmay dadwaynaha Kenya, kaddib markii uu ubaxyo uu si gaar ah farriimo ugu qoray u diray dalka UK, si uu hiillo ugu muujiyo, xilli aanu wax ku filan u qaban dadkiisa.

Kenyatta ayaa ubaxyada raaciyey farriin gaar ah oo uu ku sheegayo in xilligan oo kale loo baahan yahay hiillo iyo taageero insaannimo, isagoo kusoo afjaray ubaxani wuxuu ”Kenya uma yimi jacayl.”

Ubaxan oo gaaraa 300 oo xabbo ayaa Jimcihii ka duulay magaalada Nairobi, isagoo saaray dayuurad Kenya Airways ah oo ka degeysa Heathrow Airport.

Yeelkeede, dadka Kenyan-ka ayaan la dhicin ishaarada iyo jeestada Madaxwaynaha, iyagoo dareensan inuu muujiyey tillaabo ”geed kore waabnimo ah” oo aan micne samaynayn, marka la eego baahida maxalliga ah.

”MW Kenya oo muwaadiniintiisa ku khasbaya inay Shiinaha ku go’doonsanaadaan ama ay tigidha iyagu iska bixiyaan haddii ay soo noqonayaan, dadka karaantiilan ku khasbaya inay kharashka iska bixiyaan, dhakhaatiirta ku khasbaya inay iibsadaan maasgarayaasha/PPE, ayaa ubaxyo u diray howlwadeenna caafimaad ee UK, isagoo weliba farriin shakhsi ah u raaciyey.” ayuu soo qoray Francis Gaitho oo ah nin ku dhaata Afrikaannimada.

”Waa nin caddaan iska dhigay, balse maqaarkiisu madow yahay.” ayuu yiri qof kale.

”Gumaystuhu xididdo qoto dheer ayuu ku aastay Afrika.” qof kale ayaa uga koobiyey.

Hadalsame Media