DHAQAN CUSUB: Gaadiidka Dadwaynaha Muqdisho oo looga digey dad si khaldan u wajahaya cudurka Covid-19 (Arrin maanta dhacday)

0

(Muqdisho) 27 Abriil 2020 – Dhalinyarada Bajaajleyda ee Xamar ka xoosada ayaa looga digayaa inay iska illaaliyeen dadka xanuunsan oo iyaga oo karoono qaba dadka u qarinaya.

“Saakey waxaa dhacday in qof Dumar ah oo la xanuunsab feyruska qabta ay qof ehelkayga ah oo Bajaaj wada ay u sheegtay in Suuqa Bakaaraha ay rabto,” ayuu yiri Maxamed Odawaa.

“Markii uu cabaar wadey oo magaalada dhexdeeda la marayo ayey tiri “Isbitaalka Martiini i gee”. Kaddib darawalkii iga deg ayuu ku yiri inta isku naxay.” Ayuu daba dhigay.

Gabadha sidan samaynaysa ayaa la sheegay in walaasheed horey  looga helay cudurka Covid-19, haddana labadoodubaIsbitaalka Martiini ayey jiifaan, sida ay xogtu sheegayso.

Waxaa jirta laba cilladood oo ay midi tahay DF oo aan samaynin hab-howleed hufan oo dadka isbitaallada lagu gaarsiiyo, farsamo xumo iyo tabar xumo isla socdana sababsanaysa.

Tan 2-aad waa shacabka oo cudurkii qarinaya qaarkoodna ceeb ka dhigayaan, tiiyoo uu qofku dadwaynaha ku dhex jiro, taasoo sii faafinaysa cudurka.

“Muqdisho waa lagu dhamaaday balse ma jiro qof xitaa aqbalaya in uu sheego in qof ehelkiisa ihi cudurka u dhintay oo waa inkirayaan.” Ayuu Cali Siciid oo Muqdisho deggani u sheegay Hadalsame Media.

Hadalsame Media