Soomaalida oo ka yaabisay bog taageersan ciyaar tebiyaha Carbeed ee Cisaam Shawaali (Arag waxa dhacay)

0

(Tuunis) 27 Abriil 2020 – Bog taageere raacsan ciyaar tebiyaha Carbeed ee caanka ah ee Cisaam Shawaali oo u dhashay dalka Tuniisiya oo dhaca gobolka Maqrib ee qaaradda Afrika ayaa tartan soo dhex dhigay Soomaalida iyo Muritaaniya.

Boggan taageera Cisaam Shawaali oo beryahan qaab madadaalo ah u tartansiinayey dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ayaa boggiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ku yiri:

”Waxaan bilaabayaa tartan aan u qabanayo taageerayaasha ugu fiican dunida Carabta, markanna waa Muritaaniya iyo Somalia.”

Mauritania ?? somalia ??

Wuxuu deeto kala siiyey inay kala doortaan laba emoji oo ay Somalia leedahay midka wadnaha ah, halka ay Muritaaniya leedahay weji yaabban.

Soomaali ayaa deeto iskugu habar wacatay waxayna haatan codayntu mareeysaa Somalia oo 4,000 kusii dhow iyo Muritaaniya oo 400 gaari la’, taasoo dabcan ka yaabinaysa bogga Shawaali.

Somalia ayaana sidaa ugu soo baxday wareegga xiga, balse haddaad doonto waad codayn kartaa, adiga gujinaya mareegta hoose oo deeto fallaarta dul dhigaya meesha kaddibna ka dooranaya wadnaha guduudan ama cas.

Soomaalida ayaa lagu tilmaamay umadaha ugu badan baraha bulshada markii caalamka oo idil la eego, waxaana xusuus mudan cashar ay beri dhexdeer ah u dhigeen Imaaraadka oo isku dayey inuu sameeyo koontooyin been abuur ah oo uu dacaayado ku faafinayey.

Hadalsame Media