Turkiga oo isu keenaya Ciidamo Badeedka 7 dal oo Muslim u badan (Somalia maku jirtaa?)

0

(Ankara) 27 Abriil 2020 – Ugu yaraan ilaa 7 dal ayaa la filayaa inay ku biiraan dhoollatus ay sameeynayaan Ciidamada Badda Turkiga oo ka dhacaya Bariga Badda Dhexe ee Mediterranean, halkaasoo ay Turkigu ka wadaan saliid baaris muran dhalisay.

Dhoollatuskan oo la yiraahdo “Gaashaankii Badda Dhexe” ayaa noqday mid caalami ah iyadoo ay horay uga qayb qaateen Pakistan iyo Urdun, waxaana iminka kusoo biiraya Algeria, Georgia, Albania, Azerbaijan, Libya, Lebanon iyo Tunisia, sida lagu daabacay maalinlaha Yeni Şafak.

Bishii Nofeembar 2019-kii, waxaa dhoollatuskan soo xaadiray ilaa 40 dal oo ay ku jireen Azerbaijan, Brazil, Georgia, Italy, Kuwait, Lebanon iyo Qatar. Maraakiibta dagaal ee Frigates-ka ee dalalka Pakistan, Bulgaria, Romania, Maraykanka iyo Urdun ayaa sidoo kale ka qayb galay.

Dhoolla tuskan “Gaashaankii Badda Dhexe” ayaa la dhigayey tan iyo 2006-dii, kaasoo loogu tala galay in sare loogu qaado diyaarsanaanta ciidamada badda ee halisaha amaan.

Turkiga ayaa ballaarinaya saamayntiisa iyo joogitaanka badaha kala ah Black Sea, Aegean Sea iyo Mediterranean Sea.

Somalia ayaa ka mid ah meelaha uu Turkigu isha ku hayo, isagoo isku duwaya xulafo ka kooban dhowr dal oo Muslim ah, si loo helo istaraatijiyado dhaqaale iyo kuwo amaan, balse waxaa xagal daacin ku haya madaxda dalal kale oo Muslim ah oo loo adeegsanayo fashilinta qorshahan oo aysan jeclayn hormuudka reer Galbeedku.

Hadalsame Media

Facebook Comments