DHIMASHO AAMUSAN: Xaalad naxdin leh oo ka socota Muqdisho

0

(Muqdisho) 27 Abriil 2020 – Waxaa magaalada Muqdisho laga soo sheegayaa arrin naxdin leh oo ku saabsan cudurka Covid-19 oo dadka tarab tarab u laynaya.

U kuurgal uu sameeyey Hadalsame Media waxaa kasoo baxday in muddo bil ka badan ay magaaladu wajahayso dad u badan waayeelka oo u dhimanaya cudurka, iyadoo aan xitaa la baarin, la ogaanin ama lala tacaalin.

”Dhallinyaradu inta badan waa ka boodaan marka ay muddo la jiifaan, waxayna isticmaalaan hilib ari iyo filfil” ayuu yiri wiil magaciisa Kediye ku koobay oo Hadalsame u warramay.

Kororka geerida karoonuhu keenay ayaa laga dareemayaa qubuuraha kala duwan ee magaalada oo la sheegay in la keeno tiro ka badan intii looga bartay.

”Kiisaskan xitaa cid war ka haysaa ma jirto, marka aad magaalada tagto waxa qufac iyo hindhiso ka socda ma malayn kartid.” ayuu daba dhigay Kediye.

Cudurka ayaa la sheegay inuu dadka waawayn marka hore u qabanayo qaab hargab oo kale ah, deetana uu mar qura neefta ku dhejinayo, marka ay qaarkood maalmo la jiifaan.

Wasaaradda Caafimaadka DF Somalia ayaa tirakoob maalinle ah soo saarta, yeelkeede, waxaa la fahamsan yahay inay tiradaasi iska tahay qiyaas iyo inta ay la kulanto, balse aanay xajmi ahaan lahayn awood ku filan baaritaanka iyo la tacaalidda dadka qaba cudurka.

Waxaa sidoo kale dhimatay gabar dhallinyaro ah oo kalkaaliso ahayd oo cudurka la tacaalaysey, waxay sidoo kale Wasaaradda Caafimaadku si rasmi ah u sheegtay in 9 qofi ay cudurka ugu dhinteen Isbitaalka Martiini oo qura.

“Hadii ay dhacdo in cudurkan dadka dhan uu gaaro isbitaal looma hayo, dhakhaatiirna looma hayo oo dhakhaatiirta aad ayuu nooga dhacay, waxaan idiin sheegayaa isbitaallada waaweyn ee Muqdisho kan ugu roon illaa 50 qof ayuu uga dhacay oo shaqaalihii caafimaadka ah, marka ma jirto cid shaqeyneysa oo dadka baxnaanineysa, hadii sidaan wax kusii socdaan, marka waxaan soo jeedinayaa aan joojino oo hakino cudurkan,” ayuu yiri Dr. Fuje oo hoggaamiyaha kooxda u xil saaran la dagaallanka cudurka.

Dadka ayaan inta badan raacin tilmaamaha caafimaad ee la siiyey, iyadoo ay xaaladda uga sii darayaan talo xumo ka timaadda dhanka DF Somalia iyo aragtiyo siyaasad u rogaya ama hadaf siyaasadeed ka dhex raadinaya dhacdooyin maalmeedyada magaalada oo xilligan oo kale u baahan in aad looga baaraandego isla markaana awoodda la saaro la tacaalidda cudurkan halista ah, oo ay dadka qaar weli inkirsan yihiin.

Hadalsame Media