Maamulka Chelsea oo qaaday tillaabo uu amaan ku mutaystay (Arrin uu uga duwanaadey kooxaha EPL)

0

(London) 26 Abriil 2020 – Milkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich ayaa sheegay in aanu dhimi doonin musharooyinka laacibiinta iyo shaqaalaha kooxdiisa welibana uu taageeri doono hay’aadka samafalka, inta uu hakadka ku jiro horyaalka Premier League.

Abramovich ayaa door ka qaatay hardanka lagula jiro  coronavirus isagoo 128 qof oo ku yaalla Stamford Bridge u banneeyey hay’adda caafimaadka NHS iyo hay’aadka caawiya dadka danyarta ah oo iminka bixiya ilaa 81,000 oo xilli cunto oo nafaqo leh.

Maareeye Marina Granovskaia ayaa laacibiinta kala xaajooneysey inay jaraan 10%, balse waxaa arrinta soo farageliyey milkiilaha kooxda.

Kharashaadka ay Chelsea sanadkii bixiso ayaa dhan $345 milyan oo doollar, balse ma dalban doonto qoondada Dowladda UK oo ogolaatay inay bixiso qayb ka tirsan gunnooyinka shaqaalaha ilaa dhamaadka Juun, iyadoo sheegtay inaysan mushaharaadka dhimi doonin, isla markaana aysan shaqaalaha cayrin doonin, iyagoo lacagta u qaadan doona sidii inay socdaan ciyaarihii la joojiyey.

Liverpool iyo Tottenham, oo sanadkii tegey iskugusoo haray dhamaadka Champions League, ayaa ka mid ahaa naadiyada lagu xifaaleeyey inay Dowladda UK lacag waydiisteen waloow ay ka laabteen markii dambe.

Newcastle, Norwich iyo Bournemouth ayaa shaqaalihii cayriyey, halka naadiyo ay ka mid yihiin Arsenal iyo Sheffield United ay dhimeen mushaharooyinka ciyaartooyda. Weli kooxaha kale go’aan ma qaadan.

Hadalsame Media