DAAWO: Wiil dhallinyaro oo Muqdisho ku sameeyey mashiin neef-siiye ah

0

(Muqdisho) 26 Abriil 2020 – Xilli ay Somalia la hardamayso caabuq sidaha karoonaha oo aad ugu sii fidaya dalka, wiii Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku sameeyey mashiinka neef-siiyaha ah oo uu isagu hindisey.

Wiilkaan dhallinyarada ah oo lagu magacaabo Maxamed Caddaawe ayaa qalabkaan uu sameeyey ku caawinaya dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus oo dad badan neefta ku dhejiya, markaasoo loo baahdo mashiin bixiya ogsijiin macmal ah.

”Waxaan tillaabadan qaaday kaddib markii aan maqlay wiil sheegaya inuu aabbihii ogsijiin la’aan Muqdisho ugu dhintay.” ayuu yiri Caddaawe oo sheegay inay 20 maalmood ku qaadatay samaynta mashiinkan.

Qaar ka mid ah isbitaallada Muqdisho ayaa durba sheegay inay gacan ka gaysanayaan sii hormarinta agabkan oo u baahan juustayno dhowr ah si loo saxo hufnaanta shaqadiisa, waloow uu bilow fiican yahay.

Hadalsame Media