Imaaraadka oo doonaya inuu kala gooyo dalka Yaman (Maamul uu ka dhisay koonfurta Yaman)

0

(Koonfurta Yaman) 26 Abriil 2020 – Koox la baxday Golaha Koonfurta Yaman ama Southern Transitional Council (STC) ayaa ku dhawaaqay inay samaysteen is maamul hoosaad xukumaya koonfurta Yaman, sida ay faafisay wakaaladda Anadolu.

Golaha STC ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo durba shalay oo Sabti ahayd dhaqan gashay.

Wasiir Dibadeedka Yaman, Mohamed al-Hadrami, ayaa Sucuudiga oo damaan ka ahaa Shirkii Riyaad, ka codsaday inay soo farageliyaan wax uu ku sheegay ”fallaaganimada” uu STC ka sameeynayo gobollada koonfureed ee Yaman.

Dowladda Yaman ayaa Imaaraadka oo ka mid ah isbahaysi dagaal ka bilaabay Yaman 2015-kii, ku eedeeysay inay dabada ka riixayaan kooxdan gooni u goosadka ah oo doonaysa inaysan Dowladda ka amar qaadan gobollada koonfureed iyo Suqadra oo ka kooban 6 jasiiradood.

Maamulka Suqatra ayaa Golaha STC ku eedeeyey inay maleegayaan qorshe lagu dilayo barasaabka halkaasi Governor Ramzi Mahrous.

Hadalsame Media