DF Somalia oo bilowday inay jidadka ku qaybiso agab lagaga gaashaanto Civid-19 + Sawirro

0

(Muqdisho) 26 Abriil 2020 – DF Somalia ayaa maanta Muqdisho ka bilowday qaybinta maasgarayaal lagu xakameynayo faafitaanka cudurka COVID-19.

Qaybinta maasgarahan oo qorshuhu yahay in la gaarsiiyo dhammaan dadka Sooaamliyeed ayaa jidadka magaalada loogu qaybiyey darawallada Bajaajta, gaadiidka dadweynaha iyo qeybo kale oo kamid ah dadweynaha magaalada Muqdisho.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo dhaweeyay qorshaha bulshada loogu geybinayo maaskaraha iyo dadaallada kale ee dowladdu ku xakameyneyso faafitaanka iyo saameynta kale ee bulshada uu ku yeelanayo COVID-19.

Dowladda Somalia oo la hardameysa xakameynta faafitaanka cudurka ayaa horay u qaaday tillaabooyin lagu yareynayo saameynta uu COVID-19 ku yeelanayo bulshada Soomaaliyeed.

Hadalsame Media