Bandowga Muqdisho & bannaan baxa wax burburiska ah midkoodna micne samayn maayo!

0

(Muqdisho) 25 Abriil 2020 – Dhallinyarada ka careysan dilkii xalay ee laba ayaga ka mid ah, isma weydiinayo waxa carada ka keenay.

Waxaanse dhallinyarad ugu baaqayaa in ay is dejiyaan, dhowraan nabadgelyada iyo xasilloonida, kana fogaadaan rabshado uu khasaare hor lihi ka dhalan karo.

Askarigii dilka geystay waa xiran yahay, kolleyna waa Maxkamad suge, rabshadaha ha la joojiyo.

Booliisku inkasta oo uu isagu sabab u yahay falka kiciyay rabshada, haddana waan ku bogaadinayaa qaabka uu maanta isu xakameeyay markii ay rabshaduhu dheceen.

Madaxda waxaan ugu baaqayaa in aan fiirsi la’aan darteed la iska hor keenin booliiska iyo shacabka. In la miisaamo faa’iidada ka hortagga ay leedahay bandowgu, waaba haddii ay shaqeyneysee, iyo culeyska ay bulshada ku hayso oo khasaare keenay.

Dad maalin oo dhan basaska fuushan, xafiisyada tuban, suuqyada isdhex socda, kubbad cayaaraya, masaajidda hawiran, qaraaba salaan iyo bukaan booqad ku jira, xikmad ma aha marka ay afuraan 49 daqiiqo ka dib guryaha kama bixi kartaan in lagu yiraahdo.

Xalay waxaan indhahayga saaray safaf bandowmoog ah oo isu soo baxay oo garabka isku haya wakhti badan oo Taraawiix tukanaya. Xaafado kalena waa la ii sheegay in taraawiix la tukaday.

Wacyi-gelintu marka ay shaqeyso, dadku is dhowrayaan, una hoggaansamaan in ay guryahooda joogaan ayaa booliisku celin karaa dad fara ku tiris ah oo waddada socda.

Waxaa Qoray: Yusuuf Garaad

Hadalsame Media