Horyaalkii ugu horreeyey ee Yurub ah oo la hakiyey iyadoo aan koobka qofna la siinin

0

(Amesterdam) 25 Abriil 2020 – Horyaalka Holland ayaa la go’aamiyey in halkiisa lagu joojiyo, iyadoo kooxaha ADO Den Haag iyo RKC Waalwijk ay kasii mid ahaan doonaan heerka 1-aad tiiyoo ay ku jireen boosaska laabashada.

Yeelkeede, kooxda Ajax ayaa looga dhaartay koobka Eredivisie dufcaddiisa 2019-20 season oo ay hoggaamineysey kaasoo loo joojiyey coronavirus dartii, tiiyoo ay jirto in ay sii jireeyso sida iminka loo kala sarreeyo.

Horyaalka Eredivisie ayaa la joojiyey kaddib markii uu RW Mark Rutte ku dhawaaqay in aan wax ciyaar ah la isku howli karin tan iyo Sebtember 1.

Waa markii ugu horreeysey tan iyo markii la bixiyey magaca Eredivisie 1956-kii ee uu horyaalku dhamaado iyadoo aan cidna koobka la siinin muddo 64 sano ah.

Yeelkeede, markii ugu dambeeysey ee ay sidan oo kale dhacdo waa Dagaalkii 2-aad ee Adduunka oo horyaalka la joojiyey markii uu dalkaa qabsaday Nazi-gii Jarmanku.

Hadalsame Media