Boqortooyada Sucuudiga Carbeed oo gebi ahaanba joojinaysa ciqaabta JEEDALKA ah

0

(Riyaad) 25 Abriil 2020 – Maxkamadda Sare ee Sucuudiga ayaa hirgelinaysa wareegto kasoo baxday maamulka sare, kaasoo gebi ahaanba laalaya in dadka la jeedlo ciqaab ahaan, sida uu ogaadey maalinlaha Okaz Arabic.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in la helay dokumenti kasoo baxay maamulka Sucuudiga oo Guddiga Maxkamadda Sare ku amraya inay dhimaan tacsiirta jeedalka iyagoo ku bedelaya xabsi, ganaax lacageed ama labadooda oo la isku daray.

Maxamadda ayaa la sheegay inay amarkaa sidiisa u qaadatay, iyadoo sheegtay inay raacayso sida uu Boqorka dalku u arko inay sax tahay.

Joojinta jeedalka ayaa ka mid ah waxyaabo badan oo isbedel doon lagu sheegay oo uu sameeynaye dhaxal sugaha dalkaasi MBS.

Hadalsame Media