Fursad qaali ah oo soo martay xoolaha Soomaalida (Imaaraadka oo suuq fiicani ka furmay & caqabad jirta)

0

(Abuu Dabeey) 24 Abriil 2020 – Sicirka xoolaha nool ayaa aad uga qaaliyoobey dalka Imaaraadka, sida laga soo sheegayo suuqyada Abuu Dabeey, gaar ahaan midka ku yaalla Mina Zayed, taasoo ay sabab u tahay bisha Ramaadaanka iyo saanaddii oo kala go’day.

Handaraabka saaran dalal ay ka mid yihiin India iyo Pakistan ayaa saanadda saameeyey, iyadoo uu haatan neefkii u dhexeeyo Dh40 ilaa Dh50 Dirham.

Daulat Khan, oo ah nin ka ganacsada xoolaha nool oo ka tirsan Mohammad Salem Mohammad Livestock, ayaa Gulf News u sheegay in “sicirku uu haatan marayo Dh50 Dirham neefkiiba.”

Waxaa sidaas oo ay tahay suuqyada daadsan xoolaha Soomaalida oo aan lahayn xisaabtan iyo suuq gayn wanaagsan, waloow ay tayo fiican yihiin, waxay maxalliyiinta Imaaraatigu ka door bidaan riyaha iyo idaha laga keeno Hindiya iyo Pakistan, gaar ahaan buuraleeyda Kashmiir, kuwaasoo aan iminka si joogto ah loo heli karin.

Xoolaha Soomaalida ayaa la sheegay in Imaaraadka la gaynayey labadii bilood ee ugu dambeeyey, balse beec fiican laguma iibsado, sidoo kale waa boos buuxis ee suuq toos ah ma haystaan.

Xitaa xoolaha maxalliga ah, sida Najdiga ayaa ka qaalisan kuwa Soomaalida oo in badan ka hilib macaan xoolaha buuraleeyda iyo lama degaanka lagu dhaqo.

Caadiyan ma jiro maamul dowladeed oo dalalka Carabta kala hadla xoolaha Soomaalida, suuq geeya ama heshiis rasmi ah kula jira.

Hadalsame Media