Jarmalka iyo Ingiriiska oo si toos ah u bilaabay tallaal lagula tacaalayo Covid-19

0

(Berlin) 24 Abriil 2020 – Jarmanka ayaa bilaabay tallaalkii ugu horreeyey ee dad lagu durayo si loogala tacaalo coronavirus, sida uu sheegay Mac’hadka Caafimaad ee Paul-Ehrlich-Institut (PEI).

Tallaalkan oo lagu magacaabo BNT162, ayaa waxaa farsamaysay hay’adda agabka caafimaadka farsamaysa ee BioNTech iyadoo kaashanaysa shirkadda Maraykanka ah ee Pfizer.

Waxaa lagu tijaabin doonaa 200 oo qof oo caafimaad qaba oo da’ ahaan u dhexeeya 18 ilaa 55 jir, iyadoo muddo u kuurgelid ah kaddib dad intaa ka badan lagu tijaabin doono.

Dhanka kale, UK ayaa iyaduna bilowday tallaalkii ugu horreeyey ee dad lagu sameeynayo, kaasoo ka socda Oxford.

Laba mutadawac ayaa lagu duray tallaalka, kuwaasoo qayb ka ah ilaa 800 oo qof oo loo qoray in tallaalkan lagu tijaabiyo.

Kala bar waxaa lagu duri doonaa tallaalka Covid-19, kala barna tallaal looga ilaalinayo inuu ku dhoco xanuunka maskax garaadka.

Hadalsame Media