”Waa heshiis ka dhan ah DF” – Saxaafadda Kenya oo farxad kusoo dhoweysey heshiiskii Nairobi (Xog dheeraad ah oo ku jirta tibxaha heshiiska oo ay kashiftay)

0

(Nairobi) 24 Abriil 2020 – Saxaafadda Kenya ayaa rayn rayn kusoo dhoweysey heshiis ay Kenya garwadeen ka tahay oo ay iskugu keentay Axmed Madoobe, Xiddig iyo Seeraar, kuwaasoo ay weliba ku tilmaameen mid ay ”uga raayeen DF Somalia.”

The Nation ayaa qoray in heshiiskan oo ay u kala dab qaadaysey Kenya, isla markaana uu fududeeyay MW Puntland, Siciid Deni, ay heshiis ”taariikhi ah” ku gaareen raggan iska soo horjeedey ee Madaxwaynaha wada sheeganayey, kuwaasoo ku heshiiyey inay wada dhisaan dowlad wadaag ah, iyadoo aan meelna lagu xusin doorka DF.

Wargayska oo sii hadlaya ayaa sheegaya in Axmed Madoobe lagu cadaadiyey inuusan dib dambe isu soo sharrixin marka ay dhamaato 4-ta sano ee uu haatan is doortay.

Wuxuu wargayska oo sii hadlayaa intaa raaciyey in tillaabadani ay ku ligan tahay DF ee uu hoggaamiyo MW Farmaajo oo diidey doorashadii dhacday 21-kii Agoosto oo aan marin hannaankii isla xisaabtanka, iyadoo ay Kenya oo noqotay dalka qura ee aqoonsaday ay halkaa u dirtay wefdi uu hoggaaminayey Aadan Ducaale oo si gaar ah u metelayey Uhuru Kenyatta, sida uu sheegayo The Nation.

Wuxuu intaa raaciyey in DF Somalia ay haatan ku khasban tahay inay joojiso gulufka Gedo oo heshiis la gasho Axmed Madoobe oo u dhisan sida ay Kenya doonayso, maadaama ay ku dhinac noqdeen raggii kasoo horjeedey oo uu ku tilmaamay kuwo isaga ku reer ah.

”Ciidamada KDF waxay xulufo la yihiin Axmed Madoobe, balse taageerada joogtada ah ee ay Kenya Madoobe siinayso waxay khilaaf ka dhex riddey Muqdisho iyo Nairobi.” ayuu qirayaa The Nation.

Wargayska oo soo xiganaya dad ku aragti ah oo uu cilmi baarayaal ku tilmaamayo ayay qaar sheegeen in uu Axmed Madoobe u gogol xaarayo dib u heshiisiin sal ballaaran, iyagoo sheegay in DF ay u furan tahay in ay isaga la xirtaan ama ay maamul baaraleel ah ka dhisto Bu’aale oo ay weli xukunto kooxda Shabaabku.

Hadalsame Media