Maxkamadda ICJ oo soo saartay go’aan dib u dhigi kara dacwaddii Somalia-Kenya

0

(Hague) 23 Abriil 2020 – Maxkamadda ICJ ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku sheegtay inuu shaqadeedii saamayn ku yeeshay caabuq sidaha karoonuhu.

”Xaaladda taagan ee faafaanka COVID-19 dartii, waxay Maxkamaddu go’aansatay in muddada aan wax dacwad ah la dhegesanayn la gaarsiiyo ilaa 31-ka Maajo.” ayaa lagu yiri qoraalka.

”Booqashooyinka waa la joojiyey ilaa bisha Maajo, iyadoo ay tillaabooyinka cusub wax iska bedeli karaan, si la jaan qaadaysa xaaladaha soo kordhaya. Wixii cusub kala soco webka Maxkamadda.” ayaa la daba dhigay.

Arrintan ayaa saamayn ku yeelan karta dacwadda dalalka Somalia-Kenya oo loo ballansan yahay bisha Juun, haddii howlo dacwaddaa la xiriira oo hadda la sii qaban lahaa ay dib u dhacaan.

Hadalsame Media