Dhaqan lala yaabban yahay oo bilowday (Dad gaar ah oo bilaabay inay sheegtaan muuqaallada SNTV)

0

(Hadalsame) 23 Abriil 2020 – SNTV Barnaamijyada ka baxa ama madaxda qaranka hadalladooda, ama qayb ka mid ah news ama xitaa COVID-19 kuwa ka hadlaya youtube hadii loo isticmaalo waxay bilaabeen inay Copyright Claim-gareeyaan, shaqsiyaadka ku Claim-garaynayana waxay isticmaalayaan Gmail’s Privat ah, SNTV waxaan ogaa Telefishan qaranku leeyahay, laakiin wuxuu u muuqdaa mid dad gaar ahi leeyihiin.

Waxaan uga digayaa dhamaan dadku inaysan soo qaadan programmadooda una isticmaalin xitaa Facebook inta ay dad gaar ahi ku shaqaysanayaan.

Waxaan helay laba sheegasho (claims) oo Madaxwayne Farmaajo & Ra’isulwasaare Khayre oo ka hadlaya COVID-19, dacwadii hore waxaan u sheegay youtube in shaqsiyaadkan ay yihiin Madaxda Soomaaliya oo aysan ahayn dad privat ah jawaab ma helin, hadana mid kale ayaan arkay, kedib ayaan ogaaday in dad gaar ahi leeyihiin, iska jira ha isku isticmaalina SNTV muuqaaladooda, xitaa Facebook.

Sidoo kale waxaa la mid ah OPM Somalia ama xafiiska ra’isulwasaaraha Muuqaalada ka soo baxa oo laga yaabo dadka maamula inay iyaguna geliyeen Copyright iska jira labadaba.

Waxaa Diyaariyey: Mustafa Salaad Cawaale

FG: Waxyaabaha kasoo baxa DF waa hanti umadeed (public institutions) ay cid kasta xaq u leedahay inay bilaash ku isticmaasho, sidaa darteed, qof gaar ah oo claim garayn karaa ma jiro.

Hadalsame Media

Facebook Comments