Sweden oo go’aan kasoo saartay masaajidda Sweden xilliga Ramadaanka

0

(Stockholm) 23 Abriil 2020 – Weli waxaanu idinka baahan nahay in aad talooyinka dawladda iyo heeyadaha ee ku saabsan cudurka Corona aad raacdaan. Waa sida uu dhowaan arbacada maanta shir saxaafadeed ka sheegay Ra’iisal Wasaaraha dalkan Sweden Stefan Löfven, sida ay sheegtay Idaacadda Sweden.

-Maskaxdiinna waxaad gelisaan in aan xaaladdan ku jiri doonno bilo, ayuu sheegay Stefan Löfven.

Wuxuu sido kale xoogga saaray talada dawladda oo ah in aan dibadaha loo dhoofin ilaa 15 bisha Juun ee sannadkan.

Wasiiradda arrimmaha bulshada Lena Hallengren oo iyaduna goob joog ka aheeyd shirka jaraa´id ayaa sidan sheegtay:

– Waa in kulammada bulshada la joojiyo, sidoo kale ayey mamnuuc tahay in ay wax ka badan 50 qof iskugu yimaadaan meel. Taas ayaa ka dhigan in bisha ramadaan oo dhowaan bilaabmaysa aan masjidyada la iskugu iman doonin si salaadda taraawiixda loogu tukado iyo sidoo kale kulammada kiniisadaha, ayey sheegtay iyado oo digniin u diraysa makhaayadaha in ay dadka kala fogeeyaan hadii aaney dooneeyn in albaabada loo xidho.

Hadalsame Media