Ha dhegeysan nin raba in la dhegeysto balse aan wax soo dhegeysan si aadan u DHUMIN! (Qormo xareedaysan)

0

(Hadalsame) 22 Abriil 2020 – Ruwaayadda ”Hablayahoow Hadmaad Guursan Doontaan,” waa masraxiyad si furan oo aad u hufan bulshada u fahansiinaysay dhibaatada ay leedahay dhaqanxumada, isku-ekaysiinta reer-galbeedka iyo tumashada.

Haddii aysan ahayn tan ugu fiican ee farriin gudbisa waxaa hubaal ah in ay tahay mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya ee ay Soomaali curisay.

Billowga waxay ku furmaysaa Cirra-daba oo ah haweeney nolosheeda oo dhan ku soo qaadatay tumashada iyo balwadda oo ka hor imaanaysa afar gabdhood oo ay dunidu u cusub tahay, balse ku jooga waddadii ay Cirradaba ku halaagsantay.

Waxay leeyihiin ” Eeddo maxaad guurka ku diiday?”. Waxay ugu jawaabee ” waxaan guurka ku diiday, gadaal baad ka ogaan!”.

Halkaas waxa muhiimka ah ee in la fahmo ay tahay waa in doorka Cirra-daba ay jilayso uu yahay kan Scanario-yada ama dhuuxa ruwaayaddu ku socota uu yahay. Abwaankii ruwaayaddaan sameeyay ee Maxamuud Tukaale si uu bulshada farriintiisa u gaarsiiyo wuxuu doorkaas u dhiibay nin rag ah oo ku haboon jilitaanka. Gabdhihii yaryaraa ee tumashada u kala cararayay way soo dhadhaminayaan qaraarka ay leedahay, waxayna dhammaadka ruwaayadda ku dambaynayaan in xeebta laga soo aruuriyo oo daryeel loo sameeyo.

Ruwaayaddii sidaas u qurxanayd ee maskaxda iyo hal-abuurka la iskugu geeyay ayaa maanta waxaa laga soo jaray hal muuqaal oo ah mar ay Qamar muuqaal tumasho ah la jilayso Xaaji Beeble, kadibna waxaa la yiri fankii hore iyo midka dambe waxba isma dhaamaan.

Dadka isbarbardhiggaas samaynaya waa kuwa ay bulshadu wax ka dhagaysato balse aan iyagu waxba ba soo dhagaysan!

Reer dudaaye doodaaye islama hayno!

Waxaa Diyaariyey: Cabdirisaaq Xasan Jidhi

Hadalsame Media