DF Somalia oo si buuxda u qalabaysay Isbitaalka Martini + Sawirro

0

(Muqdisho) 21 Abriil 2020 – DF Somalia oo ku dadaaleysa in sida ugu habboon uguna dhaqsaha badan loo xakameeyo cudurka CODIV-19, ayaa qalabkii caafimaad ee loo baahnaa u dhammeystirtay isbitaalka Martiini ee loo asteeyay in lagu daweeyo bukaannada uu soo rito cudurka safmareenka ah ee dunida oo dhan dhibaatada badan ku haya.

Dowladda ayaa maanta qolalka xaaladda degdegga ah (ACU) ee Isbitaalka ku xirtay Labaatan (20) sariirood oo loo dhammeystiray dhammaan qalabkii loo baahnaa si loogu xanaaneeyo dadka ay xaaladoodu aadka u adag tahay.

Isbitaalka waxaa sidoo kale laga howl geliyay dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal leh dhammaan takhasusyada loo baahan yahay oo ay ka mid yihiin 10 dhakhtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaalka Digfeer horay uga shaqeyn jiray, hadana qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19.

Waxaa sidoo kale dhawaan ka howl billaabaya la taliyaal sare oo caafimaad oo ku takhasusay maareynta cudurrada faafa iyo cudurrada neef-mareenka.

Isbitaalka oo lagu howl billaabay Maarso 16, 2020 ayaa lagu qaabilay 218 Bukaan oo 21 kamid ah la jiifiyay. Afar kamid ah bukaannadii la jiifiyay ayaa cudurka ayaa ka bogsooday dibna looga saaray, waxaana xilligan jiifa 17 bukaan oo xaaladdooda lagula tacaalayo, kuwaas oo uu ka mid yahay Bashiir Qaasim Maxamed oo caddeeyay inuu ka helay adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Dowladda oo sheegtay inay adeegga caafimaad ee lagula tacaalayo Covid-19 lasii horumarinayo, ayaa bulshada ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad maadaama marka uu xanuunka soo rito dadka qaba xauunnada raaga ay wax ka qabashadoodu adag tahay.

Hadalsame Media