RASMI: Dal wayn oo Muslim ah oo go’aamiyey in lasoo gaabiyo tirada rakcooyinka TARAAWIIXDA! (Yaa ku dukan doona Maka & Madiina?)

0

(Riyaad) 22 Abriil 2020 – Boqor Salman Bin Abdul Aziz ayaa fasaxay in taraawiix lasoo gaabiyey lagu ogo lagu oogo labada Masjid ee Xaramaynka ah ee Maka iyo Madiina.

Waxaa se halkeeda kasii socon doona hakadkii la geliyey xujeeydkii soo booqan lahayd labadan masjid.

Sheikh Abdulrahman Bin AbdulAziz Al-Sudais, Madaxa Diineed ee Sucuudiga, ayaa ku dhawaaqay in salaadda Taraawiixda lagusoo koobi doono 5 RAKCADOOD oo qura.

Waxaa intaa dheer in ay masaajiddan ku dukan doonaan dad kooban oo u badan shaqaalaha ka shaqeeya iyo ciddii kale oo loo fasaxo sida madaxda iwm.

Madaxa arrimaha diimaha ayaa COVID-19 dartii wuxuu sheegay inay qaadayaan dhowr tillaabo oo ay ku jiraan inuu weli sii jarayo hakadkii guud ee labada masjid ka saarnaa dadwaynaha ku cibaadaysta, in la kordhin doono nadaafadda iyo jeermis tirka dadka yar ee loo ogol yahay inay yimaadaan.

Dhanka kale, Sucuudiga Carbeed ayaa qorshaynaya inay dhimaan xadidaaddii uu keenay bandowga la saaray magaalooyinka dalkaasi, si ay dadku fursad ugu helaan inay soo iibsadaan daruuriyaadka loo baahan yahay xilliga Soonqaadka, iyagoo aan laakiin ka baxaynin xayndaabka xaafadohooda.

Hadalsame Media