Liiska dowladaha TOOGASHOOYINKA ugu badan fuliyey oo lasoo saaray (Somalia oo ku jirta)

0

(Beijing) 21 Abriil 2020 – Dalka Shiinaha ayaa sanadkii tegey toogtey kumanaan dad ah, halka ay Iiraan oo 2-aad ku jirtaa ay toogatey in ka badan 250 qofood, sida ku cad warbixin ay iminka soo saartay Amnesty International.

Guud ahaan dunida waxaa hoos u dhacay dilalka toogashada ah ilaa 5% kuwaasoo gaarey halkii ugu hooseeysey muddo 10 sanadood ah waana 657 qof, ha yeeshee, xisaabta kuma jiraan kumannaan ay Shiinuhu toogteen.

Iiraan ayaa dishey ugu yaraan 251 qofood, kuwaasoo ay ku jiraan 4 qofood oo 18 sano ka yar, markii ay  dembi galeen, sida ay sheegtay Amnesty.

Sucuudiga oo qudha ka jaray 184 ayaa 3-aad ku jira, halka dalkeenna Somalia oo 12 qof toogatey ay 8-aad taagan tahay.

Liiska dalalka wax toogtey 2019

Tirakoobka Amnesty International

China: 1000s

Iran: 251

Saudi Arabia: 184

Iraq: 100+

Egypt: 32+

United States: 22

Pakistan: 14+

Somalia: 12+

South Sudan: 11+

Yemen: 7

Singapore: 4

Bahrain: 3

Japan: 3

Belarus: 2+

Bangladesh: 2

Botswana: 1

Sudan: 1

North Korea: ugu yaraan 2

Syria: ugu yaraan 2

Vietnam: ugu yaraan 2

Hadalsame Media