Warka MW Deni waxaa ka muuqata inuusan fahmin 7-dan qodob (Fadlan akhri)

0

(Hadalsame) 21 Abriil 2020 – MW Puntland Siciid Deni ayaa soo saaray war ay dad badani la yaabeen, kaasoo uu ku dalbaday inaan wax raashin ihi ka bixin maamul-goboleedka Puntland.

“Raashiinka Puntland yaalla waxay nala noqotay inuusan bixin oo Puntland gudaheeda lagu isticmaalo si loo ilaaliyo in uu yaraado,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ganacsatada maxalliga ah ku amray in sida uu yiri aysan raashin u dhoofin Gobollada Dhexe.

Hadalka MW Puntland waxaa ka muuqda dhowr khalad, xeerin la’aan iyo guud ahaanba faham la’aan ku saabsan waxa uu ka hadlay.

1 – Horta Dekedda Boosaaso waa hanti qaran oo waxaa dhistay Dowladdii Dhexe ee dalka sidaa darteed, waxaa adeegsigeeda xaq u leh muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed, marka laga soo tago siyaasadaha gurracan ee abuurmay burburkii kaddib.

2 – Waxa laga hadlayaa ma aha mucaawino ay ganacsatada Puntland qaybinayaane waa raashin ay iibsadeen ama lasoo degeen ganacsato kale, tusaale haddii aniga oo deggan gobol ka baxsan Puntland aan dooni ama markab kusoo xiro Dekedda Boosaaso waxaan kordhinayaa dakhliga Puntland e waxba ka jari maayo saanaddii cunto ee Puntland, maadaama aysan cuntadu ahayn mid ay Puntland soo saartay.

3 – Xitaa caalamiyan, ilaa hadda ma jirto saanad go’day ama lakala goostay oo la taaban karo, waxaa kaliya la joojiyey duullimaadyadii rakaabka, balse waxaa heerkii ugu sarreeysey maraysa duulinta xamuulka (cargo) iyo markaakiibta oo cunnooyin iyo dawooyin dunida u kala daabulaya.

4 – Marka sharciyan la eego, ma jirto awood uu Deni u leeyahay inuu dalka kala xiro, gaar ahaan marka laga hadlayo isu gudubka badeecooyinka iyo adeegyada muhimka ah.

5 – Dhanka xeerinta xaaladda taagan, wuxuu Deni muujiyey in haddii uu hayn lahaa wax aanay gobollada kale haynin uu ku xilan lahaa oo uu dhibka ku daawan lahaa gobollada kale, maadaama uu diiddan yahay badeeco aanba isagu soo saarin ee kaliya soo mareeysa, taasoo xitaa GEF ku ah Diinta Islaamka iyo dhaqanka gobeed ee Soomaalida oo CUNNATI u yaqaan qofka dheef ku xisha. Ma se qabo inay arrintaa kula jiraan shacabka Puntland.

6 – Tillaabada Deni waxay ganacsatada gobollada u dhow Puntland ku dhiirri gelinaysaa inay ka weecdaan oo samaystaan ilo kale oo ay wax kala soo degaan sida dekeko macmal ah iwm, sida iminkaba ka bilaabatay Dekedda Hobyo oo haddaba la isticmaalo lana dhisi rabo, taasoo dakhli badan dhaafinaysa Puntland.

7 – Waxay kale oo keeni kartaa inay gobollada uu khuseeyo warka Deni ay iyaguna ceshadaan wax soo saarkooda u baxa dhanka Puntland, sida khudaarta, raashinka dalka kasoo go’a iwm, taasoo ah arrin aan wanaagsanayn.

Haddaba, markii 7-daa qodob waxay muujinaysaa in Mr Deni oo muujinaya iimo badan oo dhanka hoggaaminta ihi uusan ka baaraan degin go’aanka uu soo saaray, iyadoo ay shacabka Puntland waajib ku tahay inaysan ogolaanin hab-dhaqannada noocan ah oo aan cidna dani ugu jirin.

Tifaftirka

Hadalsame Media