JIR-XUMO MISE JAWI KALE? Dayuurad uu Ingiriisku Turkiga u diray oo weji gabax kala kulantay + Sawirro & Muuqaal

0

(Istanbul) 21 Abriil 2020 – Dayuurad xamuul ah oo ay leeyihiin Ciidamada Cirka Britain (RAF) ayaa iyadoo gacan maran weli fadhida garoonka Istanbul oo ay ku sugayso 84 tan oo ah saanad aad loogu baahan yahay oo lagu tacaalayo Covid-19.

Dayuuraddan oo ah Atlas A400 ayaa garoonka taalla iyadoo aanay muuqanin agabka naf badbaadiska ah ee looga diray Turkiga oo laftiisu hardan adag kula jira caabuq sidaha coronavirus oo dalkaa kusii kordhaya.

Dayuuraddan oo London laga sugayey maalintii Axaddii ayaa xalay uun gaartey Istanbul saacaddu markii ay ahayd 21:10 iyadoo ay wararku markii hore sheegayeen inay cilladaysan tahay, balse RAF ayaa warkaa beeniyey.

dayuuraddan oo qorshuhu ahaa inay isla shalay soo laabato ayay warar jahawareersani kasoo baxayaan, iyadoo weli halkaa taalla, sida uu soo sawiray MailOnline.

Ilo ku dhow RAF ayaa sheegay inay ku rajo wayn yihiin in dayuuradda lasoo saarayo saanadda ay Turkiga u doontay.

Lama hubo ilaa hadda waxa khaldan, labada dhinacna kama hadlin inay jirto cillad farsamo iyo inay in kale.

Hadalsame Media