ISTARAATJIYAD IBTILAYSAN: Ujeedka ay Kenya ka leedahay tallaabada cusub ee ku wajahan Soomaaliya

0

(Hadalsame) 20 Abriil 2020 – Maqaal maalintii Jimcaha Abril 17, 2020 lagu soo qoray wargeysyada “Standard iyo The Star”, ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay gacan daahsoon kula shaqeyso kooxda Al Shabaab. Wargeysyada oo soo xiganayay wax ay ugu yeereen warbixin qarsoodi ah “confidential report”, ayaa shaaciyay in hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed NISA iyo argaggixisada Al Shabaab ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii loo fashilin lahaa ciidamada  AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya oo joogga aagga 2aad (Jubaland).

Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federalka Soomaaliyeed oo durbadiiba ka jawaabcelisay warka aan raadka lehayn ayaa qoraallada wargeysyada “Standard iyo The Star” ku tilmaantay, “weerar afeed oo si qorsha leh lagu bartilmaameedsanayo dowladda [Soomaaliyeed] iyo hay’addeheeda”. Warbaahinta madaxabannaan qaarkeed ee maxalliga ah iyo baraha bulshada ayaa iyaguna ka daba tegay oo soo bandhigay in been abuurka laga soo xigtay barta Facebook Mudaaharaadka 7 of February”.

Balse, waxaa isweydiin mudan, waa maxay ujeeddada dowladda Kenya ay uga gol leedahay ololaha cusub, xilli aan xiisaddii xuduudda weli meel laysla dhigin? Haddiise dowladda Kenya, ay gacanta ku heyso xog “biyo kama dhibcaan ah,” maxay u hordhigi la’dahay dowladda Soomaaliyeed?

Barabbagaanku, waa dagaal maskax huwan

Dowladda Kenya waxay qaadan la’dahay in Soomaaliya oo in mudda ahba u ahayd tusaale dowladaha fashilmay, ay kaga guuleysatay siyaasaddii cunaqabateenta “sanctions” duullimaadka hawada, ku adkeysatay inaan dib loo soo celin dacwada badda, hortaagan in awooddeeda la wiiqo si Jubbaland u noqoto maamul hayin u ah Kenya “buffer zone.”

Adeegsiga ololaha wargeysyada, ayaa ugu muuqda in dowladda Kenya ay u gogolxaaraneyso duullaan hor leh oo ay ku soo qaaddo deeganada Gedo, Jubada Dhexe iyo kan Hoose, iyadoo ku marmarsiyooneysa in dhammaan Soomaalidu (shacab iyo xukuumadba) ay la safan yihiin argaggixisada, maadaama dadweynaha deegaankaas ay hiil u muujiyeen  qorshaha dowladda dhexe ay ciidamada dalka kula wareegayaa ilaalinta xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraalka lagu dhaamayo sumacadda dowlada Soomaliyeed, waxaad mooddaa inuu yahay mid Dowlada Kenya ay dooneyso inay dib ugu soo ceshato shacabiyadeed “Public Relations – PR”, si qorsheysanna loogaga dhaadhicinayo shacabkeeda fikirka ah, in Xukuumadda hadda ka jirta Muqdisho ay dagaal ba’an oo wajiya badan leh, “ku hayaan waddankooda, maalkooda iyo ummadooda”.

Maxay Tahay Ulajeeddada Kenya

Dhowr sababood baa ku kellifaya Dowladda Kenya inay qaado tillaabooyin quus ah:  (1) Inay u muuqato inaysan sii joogi doonin Soomaaliya, iyadoo hugsan magaca AMISOM, kol haddii Soomaalida ay aad ugu hanweyn yihiin inay yeeshaan Ciidamo Qaran, sida ka muuqata guulaha bilowga ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku hantay fariisamahii Al Shabaab ee Shabeellada hoose; (2) In ay saadaalinayso inay ku guul darraysan doonto garta dacwada  soohdinta badda ee Juun 2020; (3) In Kenya ay ku agoontowday isbahaysi gobolleedka IGAD dhexdiisa; (4) Inay ka cabsi qabto natiijadda doorashada qof iyo cod oo la filayo 2021 oo isbeddel u sababi kara xulafadeeda; iyo (5) In Soomaaliya laga furay dabarkii maaliyadda, lagana yaabo in laga qaado cunaqabateenta hubka.

Kenya waxaa ka go’an, inay danaheeda siyaasadeed, bad iyo barri, iyo meel kasta oo kheyraad kaga jiraba caqli iyo xoogba ku muquuniso kuna ilaashato, xitaa haddii dunida u aragto in Soomaaliya marar badani ay kaga gar-guuleeysatay. Oraahdii Soomaaliyeed ayaa leh, Tuug intaadan Tuug oran ayuu tuug ku yiraahdaa, waxba ma ahaateen.

Waxaa Diyaariyey: Cabdi Cabdullaahi Caroone

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan oo qura.

Hadalsame Media