Booliiska Nairobi oo shabaqle ku ururiyey 39 haween Soomaaliyeed ah (Arrin ay isku dayeen?)

0

(Nairobi) 20 Abriil 2020 – Booliiska Kenya ayaa shabaqle ku ururiyey 39 haween ah oo laga soo qabtay xaflad aroos ah oo lagu qabtay Nasra Estate, oo ku taalla Spine Road oo ka tirsan xaafadda Eastlands ee Nairobi.

Haweenkan ayaa loo qaaday meel wax lagu karaantiilo oo ku taalla MMTC.

Booliiska ayaa qish ka helay dadwaynaha oo arkay goobtan lagu xoomayo, xilli ay khasab tahay in lakala sikado, sidoo kalena uu Kenya saaran yahay bandow habeenkii ah.

Booliiska ayaa deeto goobta soo gaarey jeer ay xafladdu meeshii ugu shidnayd mareeyso xalay fiidkii.

Ilaa 3 haween ah ayaa holliyey inay goobta ka baxsadaan, iyagoo fuulay saqafka guriga, balse waa la hareereeyay oo lasoo qabtay.

Hadalsame Media

Facebook Comments