Maxaa fashiliyay geeddiga magaaleynta Soomaalida?!

0

(Hadalsame) 20 Abriil 2020 – Faylasuufkii weynaa ee Giriiga, Socrates (c. 470 – 399 BC), ayaa laga hayaa inuu yiri: “Sirta isbeddelka ma’aha la dagaalanka iyo burburinta noloshii hore, balse waa inaad tamartaada oo dhan isugu geysid dhisidda nolol cusub oo la jaanqaadi karta waaqica aad ku nooshahay”. Socrates isbeddel wuxuu ula jeedaa beddelidda qaab nololeedka bulsho xilliyo kala duwan. Si kale haddaan u dhigo, waa guuridda ey bulsho ka guureyso hab nololeed oo ey muddo kusoo nooleed una guureyso mid cusub. Tusaale, guuridda bulshada ey ka guurto hab nololeedka miyiga iyadoo u guureysa hab nololeedka magaalada. Dhigaalkaan waxaan ku falanqeenayaa sababta isbeddelka Soomaalida uu u hanaqaadi waayay, iyo waa maxay sababta dadka Soomaalida ey marwalba u gocdaan tagtadoodii. Waxaan isku dayi doonaa in aan xaglooyin dhowr iska taago mowduucaan weyn—ee loo aaneyn karo sababaha waa weyn ee ragaadiyay bulshada Soomaaliyeed. Si bulsho ey u hormarto, waa iney hab nololeedkeeda wax ka beddeshaa oo si joogto ah u horumarisaa. Su’aasha ugu weyn ee u baahan in la lagdo waa su’aasha cinwaanka dhigaalkaan; maxaa fashiliyay geeddiga magaaleynta Soomaalida? 

Faylasuufkii Heraclitus ayaa wuxuu ahaa faylasuufkii ugu horreeyay ee falanqeeyay falsafadda isbeddelka. Heraclitus, waa faylasuuf Giriig ah oo ka horreeyay Socrates, Heraclitus oo falanqeynaya falsafadda isbeddelka wuxuu yiri; “qofku laba jeer webiga cagta ma wada gelin karo, marba waa inuu mid cagta geliyaa”. Heraclitus wuxuu kamid ahaa dugsi falsafadeed jiray Socrates ka hor, dugsigaan waxaa loo yaqaan ‘Eleatics’. Kooxdaan faylasuufyada ahaa waxay ku bahoobeen falanqeynta isbeddelka. Caqabadihii ka horyimid waxaa kamid ahaa arrin loo yaqaan ‘Zeno’s Paradoxes’ oo ah aragtiyihii iska hor imaanayay ee Zeno. Zeno wuxuu ahaa faylasuuf noolaa xilligii Socrates ka horreeyay, ‘Paradoxes’ waa aragtiyihiisii ka hor imaanayay caddeymaha. Kooxdaan faylasuufyada ah waxay gaareen heer ey yiraahdaan isbeddelku suurtagal ma’aha, iyagoo daliilsanaya xaqiiqdu waa mid aan isbeddeleyn. Yeelkadood, markii cilmiga falsafadda uu hormaray xilliyadii Socrates, Aristotle iyo Plato, waxaa arrimaha nimankii hore ey wallaaca ka muujiyeen lagu qeexay cabsi ey ka qabeen isbeddelka (fear of change), ama cabsida waxa aan la aqoon (fear of unknown). Haatanse, waxaa lagu isku waafaqsan yahay in isbeddelka iyo geediga nolosha aadanaha uu yahay mid lagama maarmaan ah. Sidoo kale, waxay culumada falsafadda haatan sheegaan, in aadanaha ey qasab tahay inuu isbeddelo, hormariyana noloshiisa, haddii kale wuu dhicisoobayaa, waana muhiim iseddelka aadanaha sida ey muhiim u tahay in ilmuhu uu koro oo isbeddelo. Qaar kalana waxayba kusoo gunaanadaan in isbeddelka aadanaha uu yahay dabiici dhiigiisa ku jirta, oo ku abuuran. 

Eebe SWT goortuu dunidan abuuray wuxuu u dhigay xeerar ey qasab tahay iney raacaan dad, duunyo iyo dhamaan abuurka oo dhan; qaarka garaadka leh iyo kuwaan laheynba. Xeerarkaas waxaa kamid ah; xeerka nolosha, xeerka geerida, xeerka guusha iyo xeerka fashilka, xeerka burburka, xeerka koboca, xeerka irsaaqda iwm. Diintaad doonto heyso, ama diinlaawaba noqo—waxaad ku qasban tahay inaad xeerarkaas u hogaansanto, ama waxaad ku danbeyn mid fashilma oo halaagsama. Xeerka koowaad ee ilaahey koonkaan u dajiyay waa; in Alle kaligii yahay, aan isbedeleyn, suganna – taladana ey kaligii u sugnaatay. Wax walba oo Alle ka sokeeyana ey tiro yihiin, oo isbedelaya, kala duwan—taladoodana ey ka dhexeyso dhamaantood si walba oo ey u kala diin, dhaqan iyo jinsiyad duwan yihiin. Taasina waa laf-dhabarta towxiidka, oo waxay na fahansiinaysaa fahanka dhabta ah ee towxiidka iyo kali ahaanshaha ilaahey. Eebe wuxuu Quraanka Suurat Al-ikhlaas ku yiri; “waxaad dhahdaa (nebiyoow) Eebe waa kali (wehelna maleh) * waana sayid deeqtoon*Eebe wax ma dhalin isna lama dhalin*wax lamid ahna ma jiro*”. 

GEEDIGII MAGAALADA 

Waxaa la sheegaa in bulshada Soomaaliyeed badi ahaayeen dad xoolo-dhaqato ah oo ku nool miyiga. Waxaana arrimahaan loosoo daliilsada tira yarida iyo yaraanta magaalooyinka Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, tan iyo goortii saancaduhu (gumeytayaashii reer Yurub) soo galay dhulkeena waxay bulshada Soomaaliyeed bilowday iney miyiga kasoo guurto oo magaalada usoo guurto. Sababtuna waxay aheyd, maadaama bulshada Soomaaliyeed ey ku jirtay halganka la dagaalanka iyo iska caabinta gumeystaha, waxay ku qasbanaatay in qaarkood sameystaan cinwaan joogto ah (permanent address) sida saldhigyo ciidan—kaas oo ah asaasidda magaalooyin, ama usoo guuridda magaalooyinka jiray iyo ballaarintooda. Tusaale, xilligii halgankii Sayid Maxamed ee dhammaadkii qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20aad, waxaa Sayidka iyo ciidankiisa ey aasaaseen saldhigyo ciidan oo ey kala dagaalameeyn gumeystayaashii reer Yurub, sida; saldhigii Taleex iyo qalcaddii “Daawad” ee Eyl. Saldhigyadaan waxay hoy joogto ah u noqotay ciidamadii Sayidka ee miyiga ka yimid, kuwaas oo halkaas degay iyaga iyo qoysaskooda; sidaasna ku magaaleeyay saldhigyadaas. Sidaas waxaa ku bilowday geeddi ballaaran oo ey bulshada Soomaaliyeed usoo hayaantay xagga magaalada. Balse, geeddigaan ujeedadiisa ma’aheyn magaaleynta bulshada iyo hirgelinta isbeddelka, ee wuxuu ahaa geedi ku yimid xaalad dagaal oo markaas jirtay, iyo ku qabsatayee qadar Alle. Geediga koowaadna wuxuu kusoo idlaaday in magaalada loosoo hayaamay iyadoo aan la diyaarin falsafaddii magaalada (ama falsafadda isbeddelka), balse waxaa lala yimid oo lasoo raray falsafaddii miyiga. 

Geediga labaad wuxuu dhacay kolkii dadkii hore ey reer magaal noqdeen—dalkana ka dhaliyeen dawlad (1960-1969). Geediga labaad wuxuu aad usii xoogaystay xilligii shuuciyadda hantiwadaaga ey dalka qabsadeen 1969kii ilaa 1991kii, iyagoo soo bandhigay barnaamijyo magaaleyn ah sida; olilihii hormarinta reer miyiga, ololihii isdhexgalka bulshada iyo aasidda qabiilka. Sida geediga koowaad, geeddigaana waxaa aasaas u ahaa magaaleynta dadka iyo heysahsada falsafadda miyiga. Geedigaan waaka khasaare badnaa kii hore, oo dhaawucuu geystay ilaa hadda ayey bulshada Soomaaliyeed la daandaansan tahay, waayo? Kii hore wuxuu ahaa ku qabsatayee qadar Alle, iyo midaan heysan agab casri ah. Balse, kan labaad wuxuu ahaa mid isagoo qaldan—oo wado qardajeex ah heysta haddana; lagasoo shaqeeyay, lana geliyay; waqti badan, aqoon badan iyo maal badan. Geediddiga seddexaadna wuxuu dhacay 1991kii, markii la dumiyay qarankii Soomaaliyeed, dadkii miyiga joogayna magaalada lasoo geliyay iyadoo looga faa’iideysanayo dano qabiil. Dhibaatada qaraxii geediga seddexaad ee ilaa imminka lagasoo kabsan la’yahay, firirkiisana uu ka kala gaaray dunida daafaheeda, waxaa sababay isbiirsi ey isbiirsadeen falsafaddii miyiga ee ku dhisneyd nimaan shantaada ka dhicin sharci kaama celiyo, iyo agab casri ah sida; hubka darandoori u dhaca—kaas oo daqiiqaddii gumaadi kara dad badan; iyo warbaahino casri ah oo farriinta colaadaha meelo fog fog gaarsiinaysa. Waagii hore haddii miyiga lagu dagaalami jiray waran, seef iyo toorey, 1991kii reer miyiga markii ey magaalada soo galeen waxay heleyn hub casri ah iyo gaadiid casri ah, iyo warbaahin casri ah oo u sahashay gudbinta dhiilada colaadaha beelaha: waxayna dhaqan geliyeen falsafaddii miyiga ee ku dhisned; “aano ina adeer baa u dhinta”. 

Seddexda geeddi oo kala dhacay xilliyo kala duwan, seddexduba wey fashilmeen waxayna qeyb ka yihiin burburka dhaqan, dhaqaale, bulsho iyo dawladnimo ee ku dhacay qarankii iyo umaddii Soomaaliyeed. Haddaba maxay tahay sababta ey seddexdaan geeddiba u fashilmeen? Sababta ugu weyn ee geediyadaan fashiliyay ayaa lagu tilmaami karaa, in umadda Soomaaliyeed ey miyiga kasoo guurtay, laakiin nasiibdarro eysan gaarin magaaladii. Waa halka ey Soomaalidu ka tiraahdo; “sagaaro socodkeediina waa ka tagtay kii nebigana ma gaarin”. Haddaba maxay tahay waxa umadda Soomaaliyeed dhexda fariisiyay oo miyigana kasoo kaxeeyay magaaladiina aan gaarsiin? Sidaan hordhaca qoraalka kusoo aragnay, isbeddelka iyo geedisocodka bulsho wuxuu u baahan yahay dajinta falsafad nololeed oo la jaanqaadi karta xilliga iyo goobta loo hayaamayo. 

MAXAA FASHILIYAY GEEDIGA SOOMAALIDA EE MAGAALADA? 

Soomaalida waxa ugu weyn ee fashiliyay geeddigooda waa iyagoo isku dayay iney magaalada ugu noolaadaan sidey miyiga ugu noolaayeen. Si kale haddaan u dhigo, Soomaalida waxay soo rareen falsafaddii miyiga iyagoo doonaya iney ku dabakhaan nolosha magaalada. Taasina waxay keentay qarax weyn iyo isku dhac labada falsafadood ee miyi iyo magaalo. Arrinkaana wuxuu horseeday in bulshada Soomaaliyeed ey dib uga dhacdo yoolkeedii magaaleynta bulshada. Tusaale, Soomaalida waxay magaalada keeneen oo weliba ka dhigeen maado lagu dhaqmo iyagoo baray caruurtii magaalada ku dhalatay maahmaahyo miyiga looga dhaqmi jiray. Maadaama eysan miyiga ka jirin dawlad u xilsaaran howlaha bulshada sida sugidda amniga nafta iyo hantida muwaadinka. Maahmaahyadaan waxaa kamid ah; “Nimaan shantaada kaa dhicin sharci kaama celiyo”, “qaniinyaa qaniinyo kaa fujisa”, “aano ina adeer baa u dhinta”, “nimaan aarsan caloosha hooyadii ayuu ku jiraa” iwm. 

Maahmaahyadaan kolkii si dhow loo falanqeeyo oo la saaro diiradda weyneysada waxaad arkaysaa faylasuufyadii maahmaahyadaan alifay iney maahmaahyadaan u alifeen bulsho reer miyi ah oo cadow badan leh—kuna nool meel aan dawladnimo iyo sharci ka jirin. Waxaa laga yaabaa in maahmaahyadu ey ka shaqeeyeen miyiga, oo dadku ku kala badbaadeen, balse magaalada waxay ka rideen qarax weyn oo lagu hoobtay. Qaladka Soomaalidu ey sameysay waxay aheyd, dadkii waa la reer magaaleeyay, laakiin wixii ugu muhiimsanaa ee ah falsafadda nolosha waxaa loo daayay reer miyinnimadeeda. Waa halka ey Soomaalidu ka tiraahdo; “dhar magaalo waa la xiran karaa, laakiin waa adag tahay sida dhal magaalo lagu noqdo”. Arrinkaana wuxuu qasbay in Soomaalidu ku adkaato u hogaansanka iyo ku kalsoonida dawladda iney maareyso howlaha muwaadinka. Tusaale, Soomaalida iyagoo soo xiganaya maahmaahyada aan kor kusoo xusnay, haddii dhib qof kale u geysto sida dil ama dhac, halkii ey dhihi lahaayeen magaalo ayaan ku noolnahay, arinka aan ula tagno dawladda—oo iyada ha xaliso, ayeey waxay dhaqan gelinayaan falsafaddii miyiga ee oranaysay; ‘nimaan aarsan uurka hooyadii ayuu ku jiraa’ deedna sharcigii ayey gacmahooda ku qaadanayaan. Amaba sida inta badan dhacda, denbiile ayaa qof dilaya deedna wuu baxsanayaa amaba wuu dhuumanayaa, deedna reerkii dhibanaha uu ka dhashay halka ey dawladda uga danbeyn lahaayeen xal u helidda dhibkooda ayey waxay dhaqan gelinayaan falsafaddii miyiga ee aheyd; ‘aano ina adeer baa u dhinta’ deedna qof aan waxba galabsan ayey u dilayaan denbi qof kale geystay, halkaas waxaa ka dilaacaya silsilad kala aargoosi iyo aano, iyadoo la baalmarayo sharcigii iyo dawladnimadii, arrinkaan ugu danbeyntii wuxuu sababaa dagaalo qabiilo oo lagu hoobto. Maadaama shaqadii dawladda dad kale hayaan, waxaa halkaas ka baxaysa baahida loo qabo dawladnimada, iyadoo aakhirkana burburaysa ileyn ma haysato dadey kala xukunto. Sidaas ayeyna ku fashilmeen seddexdii geedi ee magaaleynta Soomaalida. Jahwareerkaan ku dhacay bulshada wuxuu sababay in bulshadu ey u taamto u xiisto tagtadeedii, ileyn gaarigii baa meel cidla ah kula jabay, deegaankeediina waa kasoo kaxeeyay meeshey u socotay ma gaarsiin. Sidaas aawadeed, waxay bulshada u xiisaysaa in mar uun ey ku laabato barisamaadkii iyo sidey xilli ahaan jirtay. Halka bulshooyinka kale ee guuleystay eysan gadaal u eegin tagtadoodii ee ey hortooda iyo iney dayaxa degaan ku fikirayaan. 

WAA MAXAY XALKU? 

Si uu u dhammeytirmo geeddi-socodka umadda Soomaaliyeed ee magaalada, una noqdo mid guuleysta, oo dhaliya dawladnimo iyo qarannimo gaamurta, waxaa loo baahan yahay in la hindiso falsafad cusub oo magaaleed, lana hormariyo tii hore—iyadoo marwalba la cusbooneysiinayo. Faylasuufyadii hore ee Soomaalida ee alifay maahmaahyada iyo hal-ku-dhigyada shaqadoodii waa kasoo baxeyn, oo umadda Soomaaliyeed waxay soo dhaafsiiyeen xilliyadii adkaa ee miyiga. Faylasuufyada hadda nool sida abwaanada iyo aqoonyahannada waxaa laga doonayaa iney soo bandhigaan falsafad lagu hogaamiyo bulshada—oo looga saaro meesha dhexe ee gaarigu kaga banjaray. Sidoo kale, waxaa faylasuufyadaan laga doonayaa iney la yimaadaan falsafad magaalo-joog, taas oo saamaxaysa horumarinta iyo wax ka bedelidda nolosha bulshada, iyadoo marwalbana la jaanqaadi karta goorta iyo xilliga la joogo. Geeddiga maagaaladu waa sidii gaari dalcad fuulaya, magaalada loo hayaamayaana ey dhacdo docda kale ee dalcadda. Haddaan gaarigu u diyaarsaneyn sare uga bixidda dalcadda wuxuu ku qasbanaanayaa inuu qalibmo ama gadaal usoo noqdo. Marka waxaa loo baahan yahay in la hagaajiyo agabka gaariga si uu geeddigu noogu soo idlaado guul—oo aan u gaarno magaalada ee ah yoolkeena. Magaaladu waxay matalaysaa waa dawladnimada, qarannimada iyo isbeddelka aan tiigsaneyno, ee iskama aha magaalada uun iska tag. Gaariga agabka wanaagsan ee magaalada ina geyn karaana waa abuurista falsafad nololeed oo inoo fududaysa isbeddelka marxaladda iyo ku nagaanshaha magaalada iyo dawladnimada. 

GUNAANAD 

Iskusoo wada duuboo, waxaa nagu adkaatay ka dhogor rogashada aan ka dhogor roganayno dhaqankii miyiga. Waa inaan casharo ka barannaa fashilka nolosha ee nagasoo wajahay seddexdii geeddi ee ugu danbeeyay. Si aan fashilkeena guul ugu beddelno, waa in faylasuufyada Soomaaliyeed ey maskaxda aad u shiilaan oo la yimaadaan falsafad umadda horay loogu kaxeeyo, oo naga saarta meesha dhexe ee baabuurku uu nooga xumaanayo marwalba. Kaas oo naga soo kaxeeyay dhaqankii miyiga, balse; aan nagaarsiin kii magaalada.

Marka dhaqanka magaalkana waa sidii dalcad dheer oo baabuurka ey tahay inuu ka gudbo si uu magaalada (dawladnimada) docda kale dhacda u gaaro. Waxaana inta badan dhacaysa in baabuurtu dib usoo laabtaan maadaama eysan u diyaarsaneyn fuulidda dalcadaha. Marxaladdaan waxay u baahan tahay odorisid xeeldheer, hiraal fog iyo dajinta falsafad magaaleed cusub, si dadku ey dalcadda uga baxaan oo eysan ugasoo daadan sida marwalba ku dhacda.


Cabdicasiis Carab
Email: arababdiaziz@gmail.com

Hadalsame Media