Arrin ay ka faa’iidaysan karaan DF Somalia & shacabka oo CAALAMKA kasoo korortay

0
oil pump jack on field

(New York) 20 Abriil 2020 – Sicirka saliidda ee suuqyada adduunka ayaa sufur gaarey markii ugu horreeysey taariikhda, kaddib markii ay sharikaadka saliidda soo saara ee Woqooyiga Ameerika waayeen meel ay ku kaydiyaan saliidda qeeriin ee ay diyaariyeen.

Arrintan ayaa waxaa u sabab ah caabuq sidaha coronavirus oo keenay inay meeshii ugu hooseeysey gaarto baahida loo qabo shidaalka, maadaama uu inta badan handaraaban yahay dhaqaalaha adduunku.

Sicirka saliidda Maraykanka ayaa hoos u dhacday 105% isagoo eber ka hoos maray oo iminka mara -$2 doollar fuustadiiba, taasoo keentay in saliidda la qubo amaba si bilaash ah lagu siiyo ciddii doonaysa, maadaama aan loo haynin meel lagu kaydiyo.

Xasaradda Covid-19 ayaa keenay in dalka Canada oo saliidda soo saaraa uu aad hoos ugu dhoco sicirka maadaama aanu jirin dalabkii saliiddu, markii ugu horreeysey maanta oo Isniin ah.

Sicirka saliidda ayaa suuqyada caalamka bishii Jannaayo ka joogtey $69 fuustadii, balse waxay bil kahor oo Maarso ahayd hoos ugu dhacday $23 doollar, iyadoo iminka $0 ka hoor martay, iyadoo kasoo dhacday $17.50 doollar.

Ganacsatada iyo DF Somalia ayaa arrintan ka faa’iidaysan kara iyagoo saliid jaban kasoo iibsan kara suuqyada caalamka, si ay hadhoow sicir yar dib ugu sii iibiyaan.

Hadalsame Media