YAAB: Cudurka Covid-19 oo MADOOW u rogey midabka laba dhakhtar oo Chinese ah + Sawirro

0

(Wuhan) 20 Abriil 2020 – Laba dhakhtar oo Chinese ah oo uu si ba’an u haleelay cudurka COVID-19 ayaa la kulmay arrin la yaab leh kaddib markii uu jirkoodu madow isu rogey, kaddib markii ay geeri qarka u fuuleen.

Dr Yi Fan iyo Dr Hu Weifeng, oo labaduba 42-jir ah, ayuu ku dhacay coronavirus jeer ay bukaannada kula tacaalayeen Isbitaalka Guud ee Wuhan Central Hospital bishii Jannaayo.

Isbeddelka jirkooda ku dhacay ayaa waxaa u sabab ah ayaa waxaa la sheegay inay ugu wacan tahay isu miisaan la’aan ku dhacay hoormoonnada jirkooda, kuwaasoo uu sababay fayruska keena caabuqan, sida ay sheegeen dhakhaatiirtii iyaga dawaynayey.

Dr Yi iyo Dr Hu ayaa la shaqeeynayey dhakhtarkii dunida u sheegay arrinta cudurkan ee Li Wenliang, kaasoo si aan la sharrixin u dhintay 7-dii Febraayo.

Labada dhakhtar ayaa cudurka laga wada helay Jannaayo 18. Waxaana loo qaaday qaybta sambabka ee Wuhan Pulmonary Hospital iyadoo ugu yaraan laba jeer loo bedeley isbitaallo kale sida ay sheegtay CCTV.

Hadalsame Media